Raad Online

News

  • Home
  • About US
  • Wararka
  • Opinion
  • English News
  • Jobs & Opportunities
  • Contact us

James Swan oo Dalab la xiriira Doorashada hordhigay Madaxweyne Farmaajo

19th January 2021 by Barre Leave a Comment

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa ka hadlay khilaafka weli ka taagan qabsoomida doorashada dalka Soomaaliya oo horey heshiis uga wada gaareen Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada.

James Swan oo la hadlaayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in dadaal badan ku bixiyeen sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ku hor gudban qabsoomida doorashada la iskuna soo dhaweyn lahaa Madaxda isku heysta doorashada.

Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu qaato hoggaankii looga baahnaa oo uu isu keeno dhinacyada kala duwan ee isku mari la’ doorashada, si horay loogu socdo.

Sidoo kale James Swan ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in doorashada waqtigeedu ku dhacdo, isla markaana Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ay isku yimaadan, si xal looga gaaro khilaafka hareeyay doorashada.

“Marka la eego doorashada soo socota fursad ayaa jirta, waxaa dirradda saarnaa muranka caqabadaha taagan iyo kala qeybsanaanta jira in la isku soo dhowaado, xaqiiqdi waxaa jirta fursad haddii hoggaamiyeyaasha waa weyn ee Soomaaliyeed ay isku imaan karaan, haddii Madaxweyne Farmaajo uu awoodo inuu soo bandhigo hoggaankii loo baahnaa inuu cid walba uu isugu keeno, si horay loogu socdo, xisaabtana ku darsado in fikradaha kala duwan in la soo bandhigo” ayuu yiri James Swan.

Khilaaf xoogan ayaa weli ka taagan doorashada 2021 ee dalka Soomaaliya ka dhaceysa, waxaana Ra’iisul Wasaare Rooble uu dhawaaqday in la guda galayo hirgelinta doorashada dalka, iyadoona arrintaas ay kasoo horjeeysteen Musharaxiinta, kana digay in la qabto doorasho ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.

Filed Under: Wararka

DFS oo si kulul uga hadashay in Ciidamo Somaliyeed ka dagaalameen G/Tigray

19th January 2021 by Barre Leave a Comment

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay warar maalmihii lasoo dhaafay lagu faafiyey baraha Bulshada ee ku saabsanaa in Ciidamo Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eratariya ay ka dagaalameen Gobolka Tigree-ga ee Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlaayay Telefashinka Qaranka ayaa beeniyay wararka laga faafiyay Ciidanka Soomaaliyeed ee la xiriiray inay ka dagaalameen Tigree-ga, isagoo wararkaas ku tilmaamay kuwo been abuur ah.

Waxaa uu sheegay Wasiir Dubbe oo afkiisa ka dhowray dalka Eratariya in nasiib darro ay tahay in Ciidanka Xoogga dalka laga dhex raadiyo arrimo siyaasadeed, wuxuuna caddeeyay in aysan jirin Ciidamo ka dagaalamay waqooyiga dalka Itoobiya.

“Ma jiro ciidan soomaaliyeed oo Tigray ka dagaalamay iyo ciidan ay Itoobiya dowlada soomaaliya weydiisatay, wararka been abuurka ee ku tira ku teenka ee mala awaalka ee ah in Ciidan Soomaaliyeed inay ka dagaalameen Waqooyiga Itoobiay ee Tigray waa waxba kama jiraan”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda.

Isaga oo hadlaayay Wasiir Cismaan Dubbe ayaa waxaa uu tilmaamay in dadka dacaayada noocaas oo kale ah faafinaya ay ka so horjeedaan oo ay diidan yihiin in Soomaaliya ay yeelato ciidan xoog leh oo amaankeeda ay ku filnaato.

Hadalka Wasiir Dubbe ayaa ku soo aaday, iyadoo maalmihii lsoo dhaafay la sheegayay in Ciidamo Soomaali ah oo tababar u jooga Eratariya ay ka dagaalameen Gobolka Tigree-ga, uuna soo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalena arrintaas ay walaac iyo walbahaar ka muujiyeen waalidiin wiilashooda war iyo wacaalkooda la’aa muddooyinkii u dambeeyay.

Filed Under: Wararka

Madaxweyne farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaal Cusub

19th January 2021 by Barre Leave a Comment

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Salaax Axmed Juneyd iyo Danjiraha dalka Switzerland Mudane Valentin Zellweger.

Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Salaax Axmed Juneyd ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Guddoomiyaha Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-Qayd, isagoo uga mahadceliyey Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran.

Danjire Salaax Axmed Juneyd ayaa tilmaamay in uu dadaal ku bixin doono xoojinta taageerada iyo garab istaaga dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna bogaadiyey horumarka wax ku-oolka ah ee ay gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sido kale, Danjiraha dalka Switzerland Mudane Valentin Zellweger ayaa u gudbiyey Madaxweynaha dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Guy Parmelin, oo ku saabsanaa in dalkaasi uu saaxiib dhaw la yahay shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu kala dhexeeyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay danjireyaasha uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga, saaxiibtinimada iyo wax-wada-qabsiga.

Filed Under: Wararka

Wasiir dubbe oo shaaciyay halka uu marayo dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye

19th January 2021 by Barre Leave a Comment

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa Maanta kormeer ku tegay wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Wasiir Dubbe oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in ujeedka kormeerooda uu ahaa mid ay ku doonayeen inay ku ogaadan halka uu marayo dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo shaqo adeg ay ka socoto.

Waxaa uu sheegay Wasiirka Warfaafinta in dhismaha wadada haatan uu marayo meel gaba-gabo ah, isla markaana laamaha la saarayo wadada uu Afgooye meel u jirta 2 KM uu ku egyahay, ayna weli socoto shaqada dhismaha, horeyna loo soo dhisay 25 KM.

Wasiir Dubbe ayaa u mahadceliyay Qatar iyo Turkiga ee gacanta ku haaya dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada Afgooye, wuxuuna caddeeyay in Injineerada dhisaya wadada ay u sheegeen in inta hartay Bil gudaheed lagu soo dhameynayo.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda ee sida gaarka u tabaran ee Haramcad G/le Dhexe Farxaan Maxamuud Aadan ayaa Wasiirka warbixin k asiiyey xaaladda amni iyo mida dhismo ee Wadada.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta ayaa u mahadceliyay Ciidanka Booliska Haramcad ee sugaya amniga wadada la dhisayo, isla markaana waxaa xusay in Ciidamo iyo Injineero ay naftooda ku waayeen dhismaha wadadaas, isagoo rajeeyay in si nabad ah lagu dhameyn doono dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Filed Under: Wararka

Hogaamiyihii mucaaradka Ruushka ee la sumeeyay oo lagu xiray magaalada Moscow

18th January 2021 by Barre Leave a Comment

Alexei Navalny oo ah nin si wayn u dhaliila aqalka Kremlin ee Ruushka ayaa la sheegay in la xiray ka dib markii diyaaraddii sidday ay ka soo caga dhigtay garoon ku yaalla magaaada Moscow, 5 bilood uun ka dib markii uu ka badbaaday sumeyn loo adeegsaday sunta waxyeeleysa neerfooyiinka.

Mr Navalny, oo 44 jir ah, ayaa la arkayay isaga oo ay booliiska u sii kaxeynayaan goobta lagu baaro baasaboorada ee garoonka.

Dad badan ayaa horey waxay isugu soo baxeen garoonka Vnukovo ee ku yaalla magaalada Moscow si ay u salaamaan, balse diyaaraddii sidday ayaa waxaa loo wareejiyay garoon kale.

Dadka u ololeeya arrimaha bulshada ayaa waxay sheegeen in isku daygii dil ee uu ka badbaaday Alexei Navalny ay ka dambeysay xukuumadda Ruushka.

Blasé waxaa edeyntaasi iska fogeeyay aqalka Kremlin ee looga arrimiyo dalka Ruushka.

“Waan ogahay inaan saxanahay, wax aan ka baqayo ma jiro,” waxaa sidaasi Mr Navalny uu garoonka Sheremetyevo sidaasi ugu sheegay taageerayaashiisa iyo warbahainta ka hor inta aan la xirin.

Qareenka Mr Navalny ayaa lo diiday in markii la xirayay uu sii raaco.

Waxaa la arkayay isaga oo shuminaya xaaskiisa Yulia – oo ay iska soo raaceen Jarmalka ka dib markii ay booliiska uga digeen inay awood adeegsan doonaan haddii amarada la siinayo uu ka dhaga adeeego.

Axaddii shalay ahayd ayaa waxaa isku dhacay booliiska iyo dad isu soo baxay oo doonayay in ay soo dhaweeyaan Mr Alexei Navalny.

Warbaahinta Ruushka ayaa waxay ku warantay in tiro ah ddaka u ololeeya arrimaha bulshada oo uu ak mid yahya Lyubov Sobol – oo ay aad isugu dhaw yihiin Mr Navalny la xiray.

Filed Under: Wararka

Mareykanka oo gebi ahaan Ciidamadiisa kala baxay dalka Soomaaliya

18th January 2021 by Barre Leave a Comment

Taliska Militariga Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyey in la dhammaystiray bixitaankii ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya.

Afhayeenka AFRICOM Gaashaanle Sare Christopher Karns ayaa u sheegay Idaaadda VOA in hawshaas la dhammaystiray laba maalmood ka hor waqtigii kama-dambaysta ee uu u qabtay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump in ciidankiisa looga saaro Soomaaliya oo ku beegnayd 15-ka Jannaayo.

Karns waxa uu sheegay in tiro aad u kooban oo ciidamada Maraykanka ah ay ku hareen Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale sheegay in sababo dhinaca hawlgallada socda ah darteed aysan xilligan sheegaynin waddamada la geeyey ciidamada laga qaaday Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Gaashaanle Sare Karns in haatan hawgalkoodu galay wejiga xiga oo ah inay wada-shaqayn xilliyo leh la sameeyaan ciidamada Soomaaliya. Waxa uu ku gooddiyey in Maraykaku ay sii wadi doonaan cadaadinta ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Tirada ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegaa inta u dhaxaysa 650-800, kuwaasi oo Soomaaliya u joogay inay tababaraan islamarkaana caawiyaan ciidamada Soomaalida, gaar ahaan ciidanka Danab.

Madaxweyne Trump aya dalbay in ciidanka Maraykanka laga soo saaro Soomaaliya horraantii bisha December ee aynu soo dhaafnay. Saraakiisha Soomaalida ayaa muujiyey inay go’aankaas saluugsan yihiin.

Filed Under: Wararka

Maxuu RW Rooble kala hadlay madaxda bangiyada gaarka loo leeyahay?

17th January 2021 by Barre Leave a Comment

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirrigaliyay madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay kaalinta wanaagsan oo ay kaga jiraan horumarinta dhaqaalaha dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u ballan qaaday in xukuumaddu u fududeyn doonto howlahooda bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka, ‘si dhaqaalaha dalku u hormaro.’

Kulankaan waxuu ku soo aadayaa iyadoo warbixino horay uga soo baxay dowladda lagu shaaciyey in cudurka dunida wada gaaray ee Coronavirus uu saameyn badan ku reebay dhaqaalaha dalka, oo intii badan ku tiirsan ganacsiyada gaarka loo leeyahay.

Filed Under: Wararka

Lafta-gareen oo fariin qeylo dhaan ah u diray Dowladda iyo Beesha Caalamka

17th January 2021 by Barre Leave a Comment

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay xaaladda adeg ee ka jirta Gobolka Bakool gaar ahaan degmada Xudur oo ay go’doomiyeen Al-shabaab.

Madaxweyne Lafta-gareen oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Maamulkiisa uu wax ka qaban doono Cabashooyinka ay u soo gudbiyeen Odayaasha dhaqanka Xudur iyo Bulshada, kadib markii xalay uu kulan la qaatay Odayaasha.

Waxaa uu sheegay in xaalad adeg oo bani’aadannimo ay ka jirto degmada Xudur, isla markaana ganacsatada Magaalada dhowr jeer Al-shabaab ay ka gubeen gaadiid u soo waday Shixnado Ganacsi, iyagoona gaadiidkaas wadada u galay, kadibna gubay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Madaxda dowladda, Beesha Caalamka, Hay’addaha Caalamiga iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Gargaar deg deg ah lasoo gaaraan dadka kunool degmada Xudur iyo deegaanada hoostega.

Lafta-gareen ayaa tilmaamay in degmada ay go’doon ugu jirto Al-shabaab, dadka kunoolna ay heysato xaaladda bani’aadanimo, isla markaana muhiim ay tahay in gurmad  la gaarsiiyo, wuxuuna ku baaqay in arrimahaas Maamulkiisa wax lagala qabto.

Wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shalay gaaray degmada Xudur ee Gobolka Bakool, waxaana xalay uu kulan la qaatay Maamulka degmada iyo Odayaasha dhaqanka, wxuuuna balan qaaday in arrimaha jira wax laga qaban doono.

Si kastaba Al-shabaab ayaa muddo 8 sanno ah go’doomiyey degmada Xudur, iyadoona arrintaas ay saameyn ku yeelatay dadka deegaanka Magaalada, waxaana lagu eedeeyay xaaladda ka jirta Xudur, Wasiirada iyo Xildhibaanada dowladda ee kasoo jeeda degmadaas oo waxba la sheegay in aysan u qaban dadka deegaanka degmada Xudur.

Filed Under: Wararka

Lafta Gareen oo kulamo ka bilaabay Xudur oo wajaheysa xaalad bini’aadanimo oo adag

17th January 2021 by Barre Leave a Comment

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay booqasho ku tegay magaalada Xudur ayaa xalay halkaas kulamo ka bilaabay.

Xudur ayaa sidii uu ku ogaa Lafta Gareen ka liidatay todoba bilood ka hor, oo mar uu booqday magaaladaas ay Al-Shabaab go’doonka ku sii adkeeyeen lixdii bilood ee u dambeysay.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa xalay kulamo la qaaatay qeybaha bulshada magaaladaas iyo odeyaasha dhaqanka gobolka Bakool, kuwaas oo lagu gorfeeyey xaaladda nololeed oo ay wajahayaan dadka reer Bakool.

Lafta Gareen ayaa markii uu shalay tegay Xudur si kooban ula hadlay warbaahinta, waxuuna sheegay inuu u kuur gelayo baahiyaha dadka ku nool gobolkaas ay qabaan, isla markaana uu maamulkiis diyaar u yahay inuu wax ka qabto.

Madaxweyne Lafta Gareen  ayaa sidoo kale kulan la qaatay maamulka gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur, waxuuna uu ka dhageystay warbixino la xariira xaaladda nololeed oo ay wajahayaan dadka reer Bakool.

Gobolka Bakool oo ka kooban shan degmo ayaana waxaa laga soo werinayaa in seddax ka mid ah ay ka jirto xaalad bini’aadanimo oo aad u daran, kadib markii ay Al-Shabaab kordhiyeen cunqabateynta dhinaca dhulka ah oo ay ku soo rogeen degmooyinka Waajid, Ceel-barde iyo Xudur.

Filed Under: Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Safiirka Qatar ee Somalia

17th January 2021 by Barre Leave a Comment

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Guddoomiye Cumar Filish iyo Safiir Hassan Hamza ayaa waxaa looga wasa hadlay intii uu socday horumarinta mashaariicda Dowladda Qatar ka wado Soomaaliaya, gaar ahaan Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Qoraal kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay sidii loo dar dargelin lahaa mashaariicda kala duwan ee ay Qatar ka hirgelineyso caasimadda dalka ee Muqdisho.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah ku-xigeenada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana uu ku soo idlaaday jawi is afgarad ah.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladdaha sida weyn u taageera dowladda Federaalka  Soomaaliya, waxaana Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu horey kulan ula qaatay qaar kamid ah Safiirada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Filed Under: Wararka

  • 1
  • 2
  • 3
  • …
  • 645
  • Next Page »

Isbitaalka

Isbitaalka

Jobs

  • Qiso dhab ah

    Qiso dhab ah

    13th October 2019
  • ANIGA IYO CAWAALE

    ANIGA IYO CAWAALE

    13th October 2019
  • ADVERTISEMENT: Director of peacebuilding

    ADVERTISEMENT: Director of peacebuilding

    24th June 2019
  • ADVERTISEMENT: Project Officer

    ADVERTISEMENT: Project Officer

    21st June 2019
  • ADVERTISEMENT: Community Mobilizer Assistant

    ADVERTISEMENT: Community Mobilizer Assistant

    21st June 2019

Opinion

  • Xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Soomaaliyada Cusub? Faallo

    Xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Soomaaliyada Cusub? Faallo

    20th December 2017
  • Xalkii Loo Helay Muranka Dakadda Boosaaso iyo Mustaqbalka -MAQAAL

    Xalkii Loo Helay Muranka Dakadda Boosaaso iyo Mustaqbalka -MAQAAL

    14th December 2017
  • Baarlamaanka Puntland oo dejinaya qorshihii ay mar kale kusoo noqon lahayeen!!

    Baarlamaanka Puntland oo dejinaya qorshihii ay mar kale kusoo noqon lahayeen!!

    12th December 2017
  • Saluuga Beesha Caalamka ee waxqabadka Dowlada iyo dib u dhaca Dhismaha Ciidanka Qaranka

    Saluuga Beesha Caalamka ee waxqabadka Dowlada iyo dib u dhaca Dhismaha Ciidanka Qaranka

    5th December 2017
  • MAQAAL:- SOOMAALIYA MA MADAX WANAAGSAN BAY LA’DAHAY, MISE MAAMUL SUUBAN?

    MAQAAL:- SOOMAALIYA MA MADAX WANAAGSAN BAY LA’DAHAY, MISE MAAMUL SUUBAN?

    30th October 2017

Wararka Caalamka

  • Khaladaadka sharci ee beryahan ka dhacayay Hayaddaha Sadexda ahee puntland.

    Khaladaadka sharci ee beryahan ka dhacayay Hayaddaha Sadexda ahee puntland.

    3rd November 2019
  • Haweeney hindi oo 73 jir ah oo dhashay laba gabdhood oo mataano ah: SAWIRRO

    Haweeney hindi oo 73 jir ah oo dhashay laba gabdhood oo mataano ah: SAWIRRO

    8th September 2019
  • XUKUUMADA CUSUB EE DOWLADA PUNTLAND OO MIISAANIYAD GAAR AH U BALANQAADAY GOBOLADA MAQAN

    XUKUUMADA CUSUB EE DOWLADA PUNTLAND OO MIISAANIYAD GAAR AH U BALANQAADAY GOBOLADA MAQAN

    16th February 2019
  • DOORASHADA KURSI KA DHINAA BAARLAMAANKA SOMALIA OO LAGU SOO GABA-GABEEYAY JOWHAR

    DOORASHADA KURSI KA DHINAA BAARLAMAANKA SOMALIA OO LAGU SOO GABA-GABEEYAY JOWHAR

    29th January 2018
  • MADAXWAYNAHA PUNTLAND OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY DHALASHADA SANADKA CUSUB EE 2018.

    MADAXWAYNAHA PUNTLAND OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY DHALASHADA SANADKA CUSUB EE 2018.

    1st January 2018

Copyright © 2021 — Raad Online - All rights reserved.