Ugu horeyn dhamaan wixii dhacay kalfadhigii 45 Golaha wakiiladda Puntland ka hor ayaa waxaa bilawday warar iska soo horjeeda oo baraha bulshada iyo saxaafadda madaxa banaani qorayeen oo ahayd in marka kal fadhiga furmo uu jiri doono mooshino Madaxadda sare Puntland laga keenayo qaar kood.
Taasi waxay keentay xasaasiyad iyo qorshayaal abaabulan in qola kasta ay la soo gasho Hoolka Golaha wakiiladda.
Kadib Furitaankii Madaxwaynuhu furay kal fadhiga waxaa dhacay in Gudomiyaha uu u ogolaaday Xildhibaanadda inay su’aalo waydiinkaraan Madaxwaynaha.
Xildhibaankasta wuxuu xaq u leeyahay inuu madaxwaynaha waydiiyo su’aalo laakiinse waxaa xusid mudan in waydintu ay tahay ku talagal waana mooshin in xildhobaanadu ay soo gudbiyaan Mashruuc lagu dalbanaayo Madaxwaynaha si uu ugu jawaabo Xildhibaanadda.
Sikastaba ha ahaatee Su’aashii uu xildhibaanku waydiiyay Madaxwaynaha Maysan ahayn mid wax lagu saxaayo dareen ahaan iyo qaabaka ay ugu wajahnayd oo keliya inay xilka banayaan.
Markaad Xildhibaan tahay waxaa la rabaa inaad la timaaddo xaqiiqooyin laga gaabiyay(Facts), Tusaale Bil hebel Mushaar lama qaadan , Magaalo hebel waa lala wareegay ama amnigeedii waa xumaaday oo intaas oo qarax ama dhib ayaa ka dhacay midana ma dhicin.
Balse arinta ka sii daran waxay ahayd Falcelintii Madaxwaynaha xanaaqii iyo ugu damayntii inuu hoolka isaga baxay usagon fasax ka helin Gudoonka oo uu Xaruntiisa Joogay.
Su’aasha uu xildhibaanku waydiiyay Madaxwaynaha in laga dheehankaro nooc ka midda tiirarka Faldenbiyeed waa arin Falaqaynteeda leh, balse waxaa la fiirinayaa Xeer hoosaadka golaha in xildhibaanku xaq u leeyahay intuu yiri iyadoon la siyaasadaynayn.
Talaabooyonkii Xeer Ilaalinta Puntland ay qaaday, runtii Xeer Ilaalinta waa ilaliyaha sharciga hadii fal-denbiyeed dhacona cidna ugama haybaysato waxaana ufuran talaabooyinka iyo masuuliyaadka ku xusan Qod.12-69- 70-71 -72 ee Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya iyo Qod 8 Ee Xeerka Nidaamka Garsoorka iyo Masuuliyaad kale oo baddan ilaa gudashada waajibaadkiisa.
Waxaan maqlayaa warar sheegaya in Madaxwaynaha Cafis u fidiyay Xildhibaankii marka kowaad Madaxwaynaha maahan Dacwo ooge mana cafinkaro dalabka Xeer Ilaalinta ugudbisay Golaha wakiiladda.
Waxaa xusid mudan inaysan wali meesha ka dhicind Xildhibaan la dacwayay, maxaa yeelay dastuurka waxaa ku qoran inaan Xildhibaanka dacwo ciqaaba lagu dhaqaajinkarin hadaan xasaanadda laga qaadin.
Xeer Ilaalinta waxay soo qortay Codsi Codsigana waa la diidi karaa ama waa la yeelikaraa.
Cafinta madaxwaynaha waa marka qof Denbi lagu xukumo oo waliba shuruudo leh sida inuu wanaagsanaaday ,inuu sadex meelood oo lambo meelood qaatay Xukunkiisa, inuusan ahayd denbiyaddaXuduud ah.
Waxaan aad u arkayaa Xildhobaano ku cel celinaayo Dacwadda Xildhibaan, Dacwadu waxay bilaabataa Xasaanad ka qaadista ka dib codsigii ayay Xeer ilaalintu ka laabatay.
Cuskashadda Xafiiska Xeer Ilaalinta Qodobadda 111 iyo 112 ee Xeerka Habka Ciqaabta waxaa la cuskadaa kadib marka la sameeyo Waraaqdda Eedaynta si waafaqsan Qod.71 ee Xeerka habka ciqabta.
Madaama uu Gal -ka furnaa Xeer Ilaalintuna rabtona inay xirto waxay ahayd inay cuskato Qod.72 oo ah Gal-xirid.
Ugu damayntii waxaan codsanayaa in aan loo hogaansamin dareen qof ama hay’ad ee waxaa muhiima in loo hogaansamo sharciga oo keliya.
Talo soo jeedin
Xildhibaanadda iyo saamilayda Sharciyadda waxaan ka codsanayaa inay shuruucdda akhriyaan kadibna ay dhaqan geloyaan.
Sharciga ayaa ka sareeya Qof walba
Avv Yahye