Raad Online

News

  • Home
  • About US
  • Wararka
  • Opinion
  • English News
  • Jobs & Opportunities
  • Contact us

Xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Soomaaliyada Cusub? Faallo

20th December 2017 by Barre Leave a Comment

faalo_soomaaliyadacusubHORDHAC

Dalka Soomaaliya waxa uu soo marey marxalado kala duwan kadib qaran-jabkii dalka ku dhacay sanadkii 1991 markaas oo xukunka xoog looga tuurey Maxamed Siyaad Barre (AUN) oo xukunka inqilaab ku qabsadey sanadkii 1969, dalkana u horseeday Dowlad keli telisnimo ku dhisan.

Jamhaddii USC ee u hartey magaalada Muqdisho, dalka uma horseedin nabad, lamana imaan qorshe ay ka iibin karto Soomaalida inteeda kale aan ka ahayn in ay la timid wax loogu yeero aargoosi taas oo dalka dhaxalsiisey dagaalo beelo ku dhisan, oo sababtey in la difaaco Madaxweynihihii xukunka laga tuurey. Dagaaladaas ayaa sababey in ay maalinba weji yeeshaan oo sarifmaan, waxaana dagaalo culus ay dhexmareen isla jamhaddii USC oo u kala jabtey laba garab, oo awooda isku qabsadey, isla USC waxaa ka dhex samaysey garab kale oo loogu yeeri jirey SNA, kaas oo isaguna u sii kala jabey laba garab oo ay kala hoggaamiyaan Cismaan Caato iyo Gen. Caydiid waxaana dagaaladaasi sababeen dilka Gen. Maxamed Faarax Caydiid. Kadib jamahadda USC waxay u sarifantey ilaa 8 Jamhadood oo dhamaantood Muqdisho kuwada sugan ilaa laga gaarayo sanadkii 2000.

Tan iyo sanadkii 2000 Dowlad kasta oo loo dhiso Soomaaliya waxaa burburkeeda soo dadajinayey;

1- Hogaamiyayaasha la doorto oo aan la imaan Siyaasad mideysa dadka iyo dalka
2- Madaxda oo durbaba qaada wadadii Kali-Talisnimada
3- Dib u heshiisiintii oo lagu bedalo dagaal horleh
4- Dowlado shisheeye oo farogelin ku hayey Soomaaliya
5- Mucaarad ka imaaneysey isla Soomaalida dhexdeeda ah oo fursad u diidey dowladda

Laga soo bilaabo Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xassan sanadkii 2000, waxaa jirey mucaarad wejiyo kala duwan lahaa, kuwaas oo mar hubeysnaa oo ahaa hoggaamiye kooxeed, mar ahaa wadaado sheeganaya in ay dalka diinta ku xukumayaan, marna ahaa siyaasiyiin aan hubeysneyn laakiin qabta shirar kala duwan, sidoo kale Dowladihii soo marey dalka ayaa lahaa mucaarad isla dhexdooda ah oo ka imaanayey baarlamaanka aan ku dhisneyn nidaamka Xisbiyada, iyo khilaafaad ka dhex aloosma Madaxweynaha iyo raysalwasaaraha.

Waxaa taas usii dheer in hogaamiyayaasha lasoo doorto ay mar walba dhexda u galaan kooxo ay iyagu sameysteen oo talada dalka kula wareega nidaam aan sharci ahayn. Dantoodana laga hormariyo tan shacabka iyo dalka.

Farmaajo
Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkii u horeeyey ee xukunkiisa la kulantey mucaarad aad u xooggan, kadib markii uu Xasan Cali Kheyre u doortey Raysalwasaare, waxaana xilkan isa siiyey in laga soo magacaabi doono beelihii awooda ku lahaan jirey Muqdisho ka hor sanadkii 2007.

Doorashadii Farmaajo waxay ahayd lama filaan, waxa uu ka adkaadey Madaxweyne xilka haya iyo Raysalwasaarihiisii oo tartanka ka wada qayb-galay, waxa uu ka adkaadey Madaxweyne hore, doorashada qoyska uu ka soo jeedo ee Daarood waxaa ka digtey Dowladda Itoobiya oo markaas dano gaar ah ka lahayd in Xasan Sheekh Maxamuud markale la soo doorto.

Xulashadii uu doortey Xasan Cali Kheyre inkasta oo magaca guud ee beel ahaan beesha la siiyey laga yimaado, ayaa beelaha waaweyn ee awooda is bidey siyaasiyiintooda iyo weliba ganacsatadoodu noqdeen kuwo mashiiqsada oo Madaxweynaha Ganbar ugu fariista.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa noqdey xiddiga calanka u sida mucaaradka ka soo horjeeda Xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo weliba Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu sameeyey dhaq-dhaqaaq xooggan oo aan hubeysneyn kaas oo ku kooban siyaasad oo kaliya [shirar iyo dhaliilo] waxaana taasi oo u baneenaya Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa soo baxay shaki weyn oo muujinaya in uu socdo dhaq-dhaaaq la doonaayo in xilka looga xayuubiyo Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre, mayee intaas waa uu ka sii weynaadey waxaana la dooney in la helo 2/3 Xildhibaanada Baarlamaanka si Madaxweynaha xilka looga tuuro.

Marna ma dhicin dowladihii Soomaaliya isu soo bedalay laga soo bilaabo 2000 in la isku dayo in Madaxweynaha Mooshin laga keeno oo la isku dayo in awooda laga xayuubiyo iyada oo lala tiigsanaayo Khiyaano Qaran, waxaana jira shaki laga qabo in Mooshinkaas loo adeegsanayo dhaqaale ka yimid dalal shisheeye, sidii horey u dhici jirtay doorashooyinka Soomaalida.

Weerarkii guriga Cabdiraxmaan Cabdishakur

Waxaa habeenkii Isniintu soo gelyeysey weerar ciidamada amnigu ku qaadeen guri la sheegay in uu ka socdey shir lagu diyaarinaayey Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, waxaa hawlgalkaas ku nafwaayey shan askeri, oo ilaalo ahaa waxaa ku dhaawacmey oo xabsiga la geeyey siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horey u soo noqdey Xildhibaan, Wasiir iyo Musharax Madaxweyne. Siyaasiga la qabtey ayaa kamid ahaa siyaasiyiin lagu tuhunsan yahay in ay gadaal ka riixayaan Mooshinka aan weli soo bixin laakiin dabka saaran.

Tallaabadan maxay uga dhigan tahay siyaasiga la xirey? Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha / Xukuumadiisa? Iyo dhamaan cidkasta oo mucaarad ku ah Dowaladda Madaxweyne Farmaajo ama ha hubeysnaadeen ama yeysan hubeysnaanin, Xildhibaanada labada Aqal iyo Dowlada Gobaleedyada?

1. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur xariga loo geystey waxa uu isaga uga dhigan yahay fursad qaali ah oo la siiyey, waxaa kor u kacaya tageerada ay u hayaan kuwa isaga horey u taageersanaa ama dhaliilsanaa Dowladda, siyaasigan oo horey ay uga hari weydey magaca ah bad buu gatey ayaa la dhihi karaa xariga la xirey waxa uu u sameeyey suuq siyaasadeed uu isku deyi karo in uu damac kale ka galo hoggaanka dalka.

Soomaaliyada Cusub

2. Qorshaha lagu xirey Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la aaminsan yahay in uu yahay qorshaha cusub ee Raysalwasaare Kheyre ee Soomaaliyada Cusub, kaas oo ah in la isku dayo wax cusub oo aan horey u dhici jirin, sida uu dalka Maraykanka uga dhawaaqey Kheyre lama oggolaan doono, dhex-dhexaadnimo xitaa, lamana oggolaan doono cid horjoogsata Soomaaliyada cusub oo mucaarad sheeganaysa.

Guuxa Khayre iyo weerarkii lagu qaaday CC Warsame ayaa muujineysaa isku kalsooni la’aanta xukuumada Khayre oo lugaha hadda u gelisay wixii ay ka baqayeen oo ah Kacdoonkii kasoo horjeeday oo sii xoogeysta iyo waliba iyagoo jabiyey Dastuurkii dalka ee muwaadinka u fasaxayey inuu fikirkiisa si xor ah u dhiibto, Jeclow ama Necbow waa Dastuurka dalka u yaal. Meeshu Maaha Kuuriyada Waqooyi.

Tilaabadan waxay sidoo kale meesha ka saareysa fikirkii ahaa in xukuumada cusub ay tahay mid Dimuquraadi ah oo siyaasad cusub la timid maadaama ay dib ugu noqtay dhaqankii Kali-Talisnimada ee horseeday burburkii Qaranka.

Dowladii Militariga ayaa halheys ka dhigan jirtay in ay Aaseyso ama duugeyso “Qabiilka”, taasi oo ay shacabka ku maadeysan jireen sida ay runta uga fogtahay. Hadda Xukuumada Khayre ayaa dood ka dhiganeysa Qaran dumis baan ka hortagayaa iyadoo kursi u dagaalameysa kuna tumaneysa Dastuurka dalka, waxaa mooda Qaranka la difaacayo inuu yahay Kursiga Raysalwasaaraha ee la isku heysto.

Dowlada waxay horey u mamnuucday:
1- Mudaharaadka (Waxay Tiri Amniga ayaa khatar galaya)
2- Xisbiyada (Waxay tiri waa soo wadnaa “Mashruuc aan Dhamaan”)

Dowlada Hada waxay wadaa:
1- Fikirkaaga ma dhiiban kartid
2- Mucaarid ma noqon kartid
3- Ma shiri kartid!

Tani waxay ummada soo xasuusineysaa hadalkii Allaha u naxariistee Faarax Gololeey ee ahaa “Afisioone aad (Villa Somalia la jir) ama Afgooye aad (Xabsi gal) ama Afkaaga heyso!”

Fariinta ku socota Xildhibaanada
Weerarkii Cabdishakuur ayaa sidoo kale la oron karaa wuxuu muujinayaa in Raysalwasaaraha markuu ku guuleysan waayey soo jiidashada Xildhibaanada uu bilaabay olole lagu bartilmaameedsanayo Xildhibaanada Mucaaridka ah oo ay Xeer Illaalintu dalbatay in xasaanada lagala noqdo si loo xiro, waana khamaar kale oo siyaasadeed oo ay xagjirnimo ka muuqato.

Fariinta ku socota Dowlad Gobaleedka
Weerarkii Cabdishakuur wuxuu sidoo kale fariin u dirayaa Dowlad Gobaleedyada oo ah in hadii xukuumada Khayre iyo Farmaajo ay cudud militari u helaan inaysan ka waabaneyn isticmaalka awoodaas sidii ka dhacday Cadaado. Taasi oo keeni karta in Dowlada Gobaleedka ay ka cago jiidaan wadashaqeynta dhabta ah ee Federaalka taasi caqabad kale ku noqoneysa midnimada Qaranka iyo qorshayaasha hada socday sida dib u dhiska ciidamada Qaranka.

Maxamed Cismaan

Filed Under: Opinion, Wararka

Xalkii Loo Helay Muranka Dakadda Boosaaso iyo Mustaqbalka -MAQAAL

14th December 2017 by Barre Leave a Comment

dekaddaWaxaa si weyn loo soo dhaweeyey heshiiskii ay Isimada Puntland ka gaareen murankii xanibey habsami socodka dakadda Boosaaso kadib heshiiskii P&O, dad badan oo aan ka mid ahay aniga qoraaga ah ayaa si weyn ugu farxay in dakaddu mar labaad si caadi ah dib u hawlgasho, waxaana isimadu muujiyeen in ay iyagu yihiin marjaca ugu danbeeya ee furdaamiya markasta oo xaaladi cakiranto.

Qormadan waxan ku ee gayaa:

Maloo Bahnaa in Isimado murankani soo Dhexgalaan?
Maxaa Dowlada Puntland Iminka Lagudboon?
Maxaa Ganacsatada Lagudboon?
Maxaa Shacabka Puntland Lagudboon?
Doorka Isimada

Qofkasta oo fahamsan nuxurka iyo muga macanaha Dowlad ma jecleysaneyo inuu arko xoogag kale oo si lasiman awood mug leh ku leh aayo katalinta waddanka oo misna ka madax banaan dowlada markaa hogaanka wadanka heysa, waxaase is weydiin mudan waa noocee dowlada Puntland?. Dowladda Puntland waa mid iyadu katimi hogaanka dhaqanka oo aanan ku iman rabitaanka shacabka (hal qof iyo cod), sida darteed waxa la dhihi karaa hoggaanka dhaqanka Puntland waa aabaha dowlada Puntland, markaas doorkodu waa mid marwalba taagan.

Maxaa Lagudboon Dowlada Puntland?

Muranka dekadda iyo soo dhexgalka isimada waxay aad u muujisay kalsooni xumida shacabku ku qabo dowlada Puntland, sidoo kale waxay banaanka keentay karti la’anta, hufnaan la’aanta iyo khidad xumida dowlada. Sida awgeed waxaa lagudboon iminka in wixii sixid u baahan ay dowladu latimaado qorshe lagu hagaajinaayo oo lagus axaayo, wixii hadda kadanbeyana aysan mala awaaleyn, afmisharayn arimaha masiirka u ah aayaha ummada. Waa in ay fahmto waddankani inuu leeyahay dad iyaga khibrad, garaad iyo aqoonba dheer oo waxkasta ka jecel horumar Puntland.

Waxaa maamulka Cabdiweli Cali Gaas aad loogu amaanay mashruuci ugu weynaa ee kadib qaran jabkii Soomaaliya laga fuliyo oo ahaa dhismihii garoonka diyaaradaha, waddada Ceel Dahir iyo bilowgii gegida diyaradaha Garowe oo hadey dhamato noqon doonta midda ugu muhiimsan wadanka Soomaliya. Balse intaas oo horumara oo ay ku tilabsatay waxaa daah ku rogay musuqmaasuq si qaaawan banaanka uyimid sanadahan danbe. Madaxda ugu sareysa waddanka ayaa hormuud kanoqday kutakrifalka dhaqalaha yar iyo raasimalka wadanka. Markasta oo dadku ka muujiyaan dareen sida wax u socdaan, xalku maamulka Puntland la yimaadaa waxa uu noqdaa Agasimayaal la magacaabo, ama degmooyin qaab qabiil loo magacabo oo qeybi oo xukun kudhisan iyo safaro dibadaha lagu kala bixiyo oo macno ahaan aan dhaafsiisaneen igu sawir (photo opportunity) lahayn.

Maxaa lagudboon Ganacsata Puntland?

Magaca ganacsade marka lagu qeexayo Soomaali ahaan wuxuu noqdaa macne keliya, balse waxaa jira labo nooc oo uu u kala baxo oo marka afafka qalaad la isticmaalayo (investor and trader).

Kanhore (investor) waa maalgashade wuxuu hantidiisa geliyay waddanka, wuxuu abuuray shaqo iyo wax soo saar. Wadankasta waxaa jira sharciyo khaas ah oo maalgashadaha hantidiisa lagu ilaaliyo; sida isagoo cashuur dhaaf loo sameeyo, dowlada oo wax ka amaahata ama amaahiya, madaxda waddanka oo uu ur aaco waddamada xiiriirka ganacisya lala yeelanayo si uu ganacsigiisa ugu helo xiriir dibadeed, iyadoo la mamnuuco wax kastoo lid ku ah wax soo saarkiisa in waddanka lakeeno.

Kankale waa Gedisley (trader) oo nooca Somalida kubadan tahay saaxibkiisa dhow waa cashuur uruuriye (tax man), waddankasta oo nidaamka cashuurtiisu xooggantahay, hay’adaha dowliguna shaqeynayaan Waaradluhu ama Geddisleydu ma jecla waayo intabdan wuxuu gadaa wax uusan soo saarin (middle man). Si macaashkiisu (profit margin) u koro waa inuu helaa badeeco jaban (xitaa haday tayo xun tahay) iyo canshuur hooseesa.

Ganacsatada Soomaaliya ugu awood weyn waa Waaradle/Geddisley (traders), iyagaa leh rugta ganacsiga una hadla danaha ganacsatada. Sanadahan danbe siyaasiin ayeey u xiib-siibteen, oo baarlamanka federalka mug fiican ayaa uga jirta. Aqoonta ay uleeyihiin waxa ay ka ganacsanyaan waa mid aad u kooban waxayna kamid yihiin caqabadaha waddanka haysta oo loobahanyahay in laga gudbo.

Haddaba madaama aduunku uu usocdo in qolo walba ay soo saarato qutul daruurigoda (food security) Soomaaliyana ay u horeyso , waxa habboon guud ahaan ganacsatadu in muhiimadooda saraan waddanka wax soo saarkiisa. Waa jiraan caqabado balse fursadaha jira ayaa badan.

Puntland, Boosaaso waxa ay leedahay madaarka ugu wanaagsan Somaliya laakiin nasiib darro ma jiraan diyarado icaalami ah oo isticmaala. Inkastoo eeda kowaad ay leedahay maamul xumida Wasaaradda duulista Puntland hadana waxaa maqan doorkii Ganacsatada Puntland. Waxan ogahay in diyaaradaha caalamiga ee isticmala madaarka Hargaisa ay lasoo heshiyeen ganacsato xiriir ganacsi (partnership) lasameysay, kuwaas oo fududeeyey caqabado badan oo ay shirkadahani kala kulmi lahayeen macamiisha iyo sharuucda waddanka.

Fursadaha jira oo haddii dakada labalariyo waxa kamida ah; waddanka malaha keydka Gaaska cunada (LGP tanker storage) iminka isagoo qaali ayaa waxa laga keenaa Berbara. Sidoo kale waxaa maqan haamaha raashinka lagu keydiyo (Bulk cargo). Rashinka in lakeydiyo uu waddanka u baahan yahay waa kuwa quutul daruuriga sida Sonkorta, Bariiska, Burka iyo Saliida. Waxaa hoos udhici lahaa sicirka cunada, wuxuuna wadanka yeelan lahaa keyd raaashin.

Boosaso marka laga tago wadama khaliijka, waxaa udhow Bakistan, Hindiya iyo Shiinaha oo runtii haddii ganacsigeeno iskuxirmo wax badan waddanka kabadali karta.

Maxaa lagudboon Shacabka Puntland?

Dad badan reer Puntland baa lagushubay in Shirkadda P&O danta heshiiska dakadda Boosaaso ay tahay sidii dakada Bossaso u curyamin laheyd si ayasan ula tartamin midda Jabal Cali ee Dubai. Inta badan dadka taas ku doodaya mahayaan xog dhaafsan waa layiri. Qofkii garanaya, Jabal Cali waxay kufadhisaa dhul baaxadiisu tahay 20KM. Waxaa laga dajiyaa 220 Milyan oo konteenar sanadkii, waxa kuyaal qeybta xorta ganacsiya (free trade zone) halkaas oo ay kuyaalaan warshado waa weyn iyo kuwo yar-yar. Nin u dhashey dalka Hindiya oo Khudaarta Hindiya ka keena ayaan weydiiyay ganacsigiisa, wuxuu igu yiri gobolka aan ka keeno khudaarta oo 28 million oo qof ay kunool yihiin waxaa ka suuq weyn Imaaraadka, sababtuna wey ka jeebweyntahay. Marka dhaq-dhaqaaqa dakadda hadba wuxuu kuxiran yahay dadka waddanka degan awooda waxay dhoofin karaan iyo waxa ay lasoo dagi karaan.

Tusaale kale ayaa ah Nin ka mid ah dadka wax soosaarka ku leh Koonfurta Soomaaliya ama dhulka webiyadu maraan ayaa mid lamid ah tan ninka Hindiga ii sheegay, wuxuu yiri Khudaarta sida canbaha wa ay soo dhaaftaa Xamar/Muqdisho oo waxaa lageeyaa Puntland, sababtu waa macaashka lagahelaayo ayaa weyn taas oo an u gartey dadka Puntland waa kajeebweyn yihiin dadka Koonfur kunool marka boqoleey loo eego. Puntland waa meelaha oogu fursad fiican Somaliya xag ganacsi iyo maal gashi, balse in yar oo dadkeeda ayaa isku dayday in maalkooda geliyaan wax soo saar.

Inta badan maal-gashiga aanu sameeya wuxuu ku egyahay guryo la dhiso, guriga wanagsan oo Puntland laga dhiso wuxuu ugu yaraan kubaxda 50-60,000USD. Waxaa taas dheer iyadoo qalabka waddanka laga helo uusan tayo laheyn oo gurigii iminka aad dhistaa uu sadex sano gudaheeda uu u ekanayo mid 50 sano jira. Waxaan isbar bar dhignay qalabka dhismaha laga helo Hargaysa iyo kuwa Bossaso, kuwa Bossaso ayaa 30% tayo liita waayo ganacsatada Puntland ayaa aad udoona badeecad raqiis iyo macaash aaad ubadan.

Waxaan ku talin lahaa lacagta guryaha la degaayo ama kirada loo rabo keliya aanu galino wax soo-saar. Waddankani waxaa soo gasha lacag aad u badan oo inta badan qurba joogta wadanka soo dirto, nasiib xumo lacagtaa inteeda badan waxay ku hartaa waddamada deriska ah sida Imaaraadka, Kenya iyoJ abuuti. Lacagtaa waxaa lagu soo waridaa alaabo lagu farsameeyay wadamo kale, lacagtaa adag alaabaha lagu soo iibiyo waxa ka mida biyaha lacabo iyo maandoriyaha qaadka.
Gunaanadkii waxan oran la ahaa garoomo diyaradaha, jidad ama dekad ladhiso hodan kunoqon meyno hadaanun wadanka maalgashi helin.

W.Towfiiq
Axmed Xaji
axmey_m@hotmail.com

Filed Under: Opinion, Wararka

Baarlamaanka Puntland oo dejinaya qorshihii ay mar kale kusoo noqon lahayeen!!

12th December 2017 by Barre Leave a Comment

codeynta_golahaBaarlamaanka Dawlada Puntland waa mid kamida tirarka sadexda ee ay ku dhisan tahay dawladnimada Puntland wuxuuna ka kooban yahay 66-mudane oo ay soo xulaan Odayaasha dhaqanka maadama ay ku salaysan yihiin matalaad beeleed, tan iyo markii la dhisay Puntland 1998 waxaa lagu soo xulaayey habka beelaha, qaarkood waxay kuraasta xubnimada ku fadhiyeen tan iyo dhismihii Puntland iyadoo la sheego inay barteen farsamo ay mar walba kusoo llaabtaan.

Axdigii ku-meel gaarka ahaa ee lagu dhisay Puntland iyo dastuurka rasmiga ee la ansixiyey 2012 ayaa labaduba si cad u qeexaaya in xubnaha baarlamaanku noqdaan matalaad degaan lagana gudbo matelaada qabiilka maadaama dhamaan qabaailku aysan wada lahayn xubin baarlamaan hase ahaate degaan walba heli karo matalaad shacbi.

Baarlamaanka hada jira ee Puntland oo muda-xileedkoodii uga harsan tahay wax ka yar sanad ayaa durba bilaabay qorshayaal cusub oo ay rabaan inay mar kale kusoo laabtaan, waxayna wararku sheegyaan in ay doonayaan inay kor dhistaan mudada kala fadhiga hada u socda si ay u soo saaraan qorshayaal cusub oo ay ku doonayaan inay saamayn ku yeeshaan doorashada sanadka danbe ka dhici doonta Puntland.

Maxay yihiin qorshayaasha cusub?

Qaar kamida xubnaha baarlamaanka ayaa orod ugu jira sidii ay iyagu usoo magacaabi lahaayeen qaar kamida gudiga khilaafaadka doorashada oo ah kuwa kala saaraaya xubnaha baarlamaanka ee ay soo xuli doonaan Odayaasha dhaqanku, xubanahan ayaa doonaaya in baarlamaanka hada jira uu soo magacaabo qayb kamida gudigaas oo ka kooban 7-xubnood qaybta kalena uu soo magacaabo madaxweyne Gaas, waxayna u jeedada ay ka leeyihiin arintan ay tahay inay saamayn ku yeeshaan doorashada lagu soo xulaayo xubnaha baarlamaanka si ay mar kale kuraastooda ugu soo laabtaan.

Qorshahan ay wadaan xubanaha baarlamaanka ee ay kala-fadhiyadoodii uga harsan tahay oo kaliya hal kala fadhi ayaa noqotay wax ku cusub Puntland maadama baarlamaanidii hore aysan wax shuqula ku lahaan jirin gudiga khilaafaadka doorashada.

Goormaa la kala dirayaa baarlamaanka hada jira?

Sida ku cad dastuurka Puntland waxaa lagu wadaa in baarlamaanka hada jira ee Puntland si rasmiya loo kala diro bisha Oktoobar sanadka soo socda ee 2018, wixii xiligaa ka danbeeyana la diyaariyo baarlamaankii cusbaa ee badeli lahaa kuwa la kala diray, kuwaas oo iyaguna dooran doona madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen sideeda Janaayo 2019 hadii Alle idmo.

Yaa horay u magacaabi jirey gudiga khilaafaadka doorashada?

Gudiga khilaafaadka doorashada waxaa horay u magacaabi jirey madaxweynaha taladda kasii degaaya, taas oo ay gaashaanka u daruuri jireen murashixiinta madaxweynaha iyagoo dalbanaaya inay si wada jira u magacaabaan murashixiinta iyo madaxweynaha oo inta badan qudhiisu kamida murashixiinta xilka madaxtinimada u hanqal taagaaya hase ahaate is-qab-qabsi iyo khilaaf meel adag gaara kadib waxaa la isla qaadan jirey gudiga uu madaxweynuhu magacaabay kuwaas oo ay dadweynuhu ku dhaliili jireen inaysan xubnaha baarlamaanka u kala saarin si isku dheeli tiran ayna mar walba ahaayeen kuwa u jan-jeera danaha madaxweynaha soo magacaabay.

Waxaa xusid mudan in mararka qaar murashixiinta mucaaradka qudhooduna ku dhawaaqi jireen gudi khilaafaad wallow ay ugu danbayn ka tanaasuli jireen.

Ma dhabaa in baarlamaanka hada jira uu hortaagan yahay maxkamadii dastuuriga ahayd?

Dhanka kale warar soo baxaaya ayaa sheegaaya in madaxweyne Gaas uu diyaariyey xubnihii maxkamada dastuuriga ee uu awooda u lahaa magacaabistooda kuwaas oo ah 2-xubnood maadama dastuurka Puntland uu qeexaayo in maxkamada dastuuriga ay ka koobnaato garsoorayaasha maxkamada sare oo lagu kordhiyey 4-xubnood oo bulshada lagasoo xulaayo kuwaas oo labba kamida uu madaxweynuhu soo magacaabaayo labadda kalena ay baarlamaanku soo magacaabayaan, hadaba wararka soo baxaaya ayaa sheegaaya in baarlamaanku ka caga jiidayaan soo magacaabista xubnihii ay xaqa u lahaayeen ee maxkamada dastuuriga lamana oga sababaha ay illaa hada usoo magacaabi la yihiin xubnahaas muhiimka u ah Dawladnimada Puntland.

Maxkamada dastuuriga ayaa ah tan awooda u leh kala saarista iyo xalinta khilaafaadka dastuuriga sida khilaafyada ka dhasha doorashooyinka.

Maxa lagu xasuusan doonaa baarlamaanka hada jira ee Puntland?

Baarlamaanka hada jira ee Puntland ayaa noqday kuwii loogu hadal haynta badnaa waxaana soo maray mudooyinkii ay jireen dhacdooyin la yaab leh sida kala diristii golaha xukuumada 18-kii luulyo 2017, iyo dib u ansixintii isla golihii ay kala direen 10-kii Agoosto 2017, taas oo ay kala kulmeen fadeexadii ugu weynayd ee baarlamaan Puntland soo mara qabsata, waxay sidoo kale ansixiyeen sharciyo Dalka muran adag ka dhaliyey sida heshiiska ay Dawladu la gashay shirkadda P&O ee ay maamulka dekadda Bosaaso ugu wareejisay taas oo uu illaa hada murankeedu taagan yahay, waxaana si cad loo ogaaday inay heshiisyadaas ku ansixiyeen laaluush gaaraaya aduun lacageed oo dhan ku dhawaad labba milayan oo dollar xili weliba abaar ba’ani Dalka ka jirtay.

Filed Under: Opinion, Wararka

Saluuga Beesha Caalamka ee waxqabadka Dowlada iyo dib u dhaca Dhismaha Ciidanka Qaranka

5th December 2017 by Barre Leave a Comment

Beesha-Caalamka-ShirkaMuqdisho2017endShirka maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho ee looga hadlayo amniga wadanka ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaray wadashaqeynta dhanka amaanka ee dowlada Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo sidii lagu heli lahaa ciidan Qaran oo awoodleh.

Dowlada Federaalka iyo maamulada dalka ka jira ayaa sheegay inay horey u dajiyeen qorshe lagu dhisayo ciidamo Qaran oo isku dhaf ah hawshaasina ay hada socoto la diyaarinayo ciidamadii loo qeybiyey inay keenaan maamulada xubnaha ka ah Federaalka.

Waxaan weli la aqoon in dalalka Beesha Caalamka ee shirkan ka qeyb galaya ay ku qanci doonaan warbixinada ay soo gudbiyeen Madaxda dowlada Federaalka iyo Maamulada, isla markaana ku deeqi doonaan dhaqaalaha dib loogu dhisayo ciidamada. Waxayse xubno kamid ah Xafiiska Raysalwasaaraha ay Horseed Media u sheegeen in qaar kamid ah wadamada Deeqda Bixiya ay saluugsan yihiin dib u dhaca ku yimid dhismaha ciidamada.

Saraakiisha dowlada Federaalka ayaa sheegaya inay muuqata cagajiidka ka jira dhinaca Beesha Caalamka oo aan si buuxda kalsooni ugu qabin wax qabadka maamulada Soomaalida oo ay wadashaqeyntooda ay liidato.

Qorshaha Ciidamada Qaranka ayaa ahaa mid la rabay in la fuliyo kahor bilowga Sanadkan dhalanaya ee 2018, wuxuuna ahaa mid la doonayey in la dhameeyo kahor inta ay dalka isaga bixin ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Waxaase dib u dhac badan ku keenay khilaafkii siyaasadeed ee soo kala dhexgalay Dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo Maamulada dalka ka jira.

Maamulada ayaa eeda dusha ka saaraya Dowlada Federaalka gaar ahaan xiiska Raysalwasaaraha oo ay ku dhaliileen qaabkii uu maareeyey hawlaha ciidanka iyo siyaasada wadashaqeynta, walow lagu guuleystay in dhaliishan aysan maamulada la hortagin beesha Caalamka laguna koobay kulamadii uu dhaxeeyey Dowlada iyo Maamulada.

Dhinaca kale maamulada dalka ka jira sida Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Juballand ayaa aaminsan in xiligan aysan macquul ahayn in ay baxaan ciidamada AMISOM, taasi oo wadada u furi karta in Qaramada Midoobay ay kordhiso wakhtiga ay ciidamadaasi joogayaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhinaca kale culeys ku noqday shirkan amniga looga hadlayo oo sababay in gebi ahaan wadooyinka magaaladaasi loo diido inay gaadiidka maraan, taasi oo ku khasabtay in shacabku ay lugeeyaan waana sawir kale oo muujinaya heerka uu joogo amniga caasimada.

Shirka maanta ayaa looga hadlay arrimaha kale oo ay dowlada taageerada uga baahan tahay caalamka sida Doorashooyinka, adeega bulashada, horumarinta caafimaadka iyo nidaamka Dhaqaalaha.

Filed Under: Opinion, Wararka

MAQAAL:- SOOMAALIYA MA MADAX WANAAGSAN BAY LA’DAHAY, MISE MAAMUL SUUBAN?

30th October 2017 by A.lahi Leave a Comment

image4
Wixii ka dambeeyey doorashadii iyo dhismihii dawladdii Carta waxay umadda Soomaaliyeed dareemyeen rajo dawladnimo iyo sansaan dib u dhalasho, kadib markii ay meel iska dhigeen toban sano oo ku suntanaayd inay yihiin dad aan waxba ku heshiin karin. Laga soo bilaabo dhismihii dawladdii cabdiqaasim Salaad illaa iminka dalka waxaa soo maray Shan madaxwayne iyo Labo iyo Toban Raysalwasaare, waxaa jira labo fal-celis oo ay madaxdani shacabka Soomaaliyeed kala kulmayeen marka ugu horaysa ee la doorto iyo dhamaadka kolka ay kursiga banaynayaan. Waa midda koobaade waxaa loo soo dhaweeyaa si xad kabaxa oo aan innaba waaqica ku salaysnayn. Tan labaadina waxaa weeye in wax yar kabacdiba loo naco si xad kabaxa oo aan waxba la xeerinayn. Haddaba su’aasha muhiimkaa waxaa weeye ma hoggaanka soomaaliyeed baa ah mid ka aradan hoggaaminta suuban mise xaaladaha qalafsan ee inaku xeeran ayaa sabab u ah fal-celiska shacabkeena?

Waxaan aaminsanahay in badan oo kamida hogaanka dalkeenu inuusan ahayn mid ku haboon inuu hogmaamiyo dal sideenna oo kale u fashilay, ayna ku yartahay dabeecadihii laga rabay hoggaamiyaha xiliga adag, lagana yaabi lahaa haddii ay is tijaabin lahaayeen xilli aan mid kaan ahayn in shacabku fal-celis midkaan ka duwan ka keeni lahaa.

Laakiin ujeeddada qormadaydani ma ahan mid ku saabsan hoggaanka mana ihi mid hoggaamiyayaasha eedda dusha u saaraya ee waxaan doonayaa inaan iftiimiyo in waxa inaga maqani ee koobaadi aysan ahayn hoggaan suuban ee ay tahay qaranimo,dawladnimo, sharci, kala dambayn, iyo amaan la’aan baahday Meel aysan intaasi qumaati uga shaqaynayna ay adagtahay in hoggaanku uu noqdo mid hagaagsan, in la helo nidaam isku dubaridan oo si waafiya u shaqaynayaa maahan wax ku yimaada habayn iyo meelin ee waa geedi socod qaata sanado badan sabirna u baahan, waxaana jira umuuro waawayn oo aan looga maarmayn ka mira-dhalinta geedi socodkaas, waxaana ka mida.

QARAN-DHISID

Qaran waxaa la yiraahdaa dalad kulmisa Ciid,Calan iyo Umad ay ka dhaxayso Af, Dhaqan, qiyam, hidde iyo taariih. Qaranimaddu waa wax ka guda wayn dawladnimadda waana suufka iyo xanjada bulsho isku haya, maxaa yeelay waxa ay tilmaantaa waxa ka dhaxeeya bulshadaas oo ah taariikh ay wada leeyihiin iyo dhaqan soo jireena oo ay unasab sheegtaan.

Nasiibdaro waxaa jira waddamo aysan u fududaan inay dhistaan qaran sal-adag leh maxaa yeelay waxaa kala gadisan qoomiyadaha ku nool, afafka looga hadlo iyo diimaha laga haysto. Meesha ay jiraan kuwa kale oo xal u helay mushkiladda kala gadisnaanta, seeskana u dhigay qaran sal-balaaran oo ay u nasabsheegtaan dhamaan muwaadiniintoodo. Qaranimadda ayaa ah middda beerta waddaniyadda iyo jacaylka ay umaddi ciideeda iyo calankeeda u hayso, meesha aysan qaranimo jirin dadku waxay u nasab sheegtaan wax ka hooseeya qaranka sida Qoomiyad,Qabiil ama Gobol. Waxaa la yiraahdaa dawlad-dhisidda waxaa saldhig u ah siyaasiyiinta laakiin qaran-dhisidda waxaa lafdhabar u ah bulshada rayidkaa sida Culuma’udiinka, Abwaaniinta, suugaanleyda, Indheer-garadka, iyo Odoyaasha dhaqanka maxaa yeelay qarannimadu amase wadaniyaddu waa wax qalbiga bani-aadamka ku abuurma waana muhiim in qalbigaas la saameeyo. Soomaaliya qaran-dhisiddeeda waxay bilowday toban iyo todobo sana ka hor intii aysan xoriyadda qaadan, dhaqdhaqaaqii SYl ayuuna ahaa ciddii ugu horaysey ee aasaaska u dhiqtay qaran-dhisidda soomaalida, iyaga ka horna maanay jirin cid u nasab sheegan jirtey magaca soomaali dadku waxa ay u nasab sheegan jireen reerahooda, magaalooyinkooda ama dariiqooyinkoodii diiniga ahaa, taas ayaa waxaa lagu badalay soomali wayn, axyaa wadani, Maandeeq oo loo bixiyey gobanimadeena iyo Soomaaliya ha noolaato hana israac oo halkudhag looga dhigay qarannimadeena.

Abwaanka iyo suugaanleyda Soomaaliyeed ayay ahaayeen cidda fikirkaan ka gadaysey umadda Soomaaliyeed qalbigoodana wadaniyadda ku beertay, Hadraawina waa tii uu lahaa isagoo arintaas tilmaamaya “Xamar iyo Hargaysaba gudin iyo hangool iyo heelaa xoraysee, wallee hoobalkoon jirin libin sooma hoyateen” nasiib daro qaran-jabkeenu waxa uu bilowday ka hor intii aysan dawladnimadu inaga burburin maxaa yeelay dalku wuxuu mar horaba u kala furfurtay jamhado jifiyo ku dhisan iyo qabaa’il is gaashaan buursi ku dhisan, waxaana meesha ka baxay qaranimadii iyo magacii waynaa ee ina kulminayey. wixii ka dambeeyey burburkiina waxa aynu dib ugu noqonay meeshii aynu joognay qarni ka hor oo ahayd u nasab sheegashadii qabaa’isha iyo reeraraha. Inta aynu sidaan nahayna waa adagtay inaynu dawlad-dhisid ku guulaysano maxaa yeelay Qaran-dhisidda ayaa asal u’ah Dawladnimada.

DAWLAD-DHISID

Dawlad waa nidaam siyaasiya oo ay bulsho ka yagleesho buqcad mucayana si ay u xaqiijiso himilooyinkeeda aasaasigaa. Inkasta oo siyaabo kala gadisan iskuna dhaw loo qeexo dawladnimadda hadana qeexista ugu wanaagsan waxaa leh ayay yiraahdaan Max Weber oo ahaa xeel-dheere iyo bulsho yaqaan Jarmala wuxuuna yiri ” dawladi, waa cidda keliya ee leh awoodda baas-abuur ee sharcigaa ee kaligeed ka fusha buqcad mucayana” taas oo micnaheedu yahay waa cidda keliya ee si sharciya wax u dili karta, u xiri karta ula wareegi karta, una cafiyi karta. Haddii awoodahaan ay cid kale fuliso amaba ay cid kale dawladda la wadaagto si fudud meeshaas dawladi kama jirto qeexida Max weber. Dawlad waxa ay ku timaadaa labo nooc midkood uun, sifo xooga ama heshiis bulsho, sikasta oo ay ku timaadaba ujeedada laga leeyahay waxaa weeye inay xaqiijiso himilooyinka aasaasigaa ee aanay bulsho kaligeed xaqiijin karin dawlad la’aan sida amaanka, caafimaadka, ilaalinta deegaanka, waxbarashada, caddaaladda iyo wixii lamida. Haddaba su’aasha xiisaha lihi waxaa weeye dawladaha inoo dhisani ha ahaadeen maamulo ama fadaraale ma leeyihiin sifadii dawladnimada? Haddii aysan lahaynse ma fulin karaan himilooyinkii aasaasiga ahaa? Awoodda baas-abuurka (physical force or violence) ma iyagaa leh mise cid kalaa la maamusha? Haddii aynu fahano jawaabtu inay tahay maya, way adagtahay inaynu qof ama labo hoggaana ku eedayno wax qabad xumo iyo inuusan meeshii laga rabey reerka urarin. Dawladi si ay u fuliso himilooyinka aasaasigaa waa in ay ka koobnaataa hay’ado dawliya oo u heelan kana turjumaya micnaha ay u jirto.

HAY’ADAHA DAWLIGAA.

Si looga guul gaaro himilooyinka aasaasigaa ee ay dawladi u jirto sida amaanka,caddaaladda, caafimaadka iyo waxbarashada waa in ay dawladu ka koobnaataa hay’ado ama laamo dawliya oo is dheelitiraya una heelan ka guul gaarista hadafka iyo yoolka la hiigsanayo. Hay’adaha dawligaa ama institutionsku waxay hay’ad noqon karaan markii laga helo afrtaan tilmaamood sida uu qabo Samuel Hantington oo ahaa caalim ku xeel dheeraa siyaasadda iyo dhismaha dawligaaba. 1- waa inay yihiin kuwo daa’ima ee aysan ahayn kuwo cimri gaaban ama ciddii dhistaba aan ka dambayn. 2- waa in qaab dhismoodkoodu yahay mid cajiiba oo sal-ballaran ee uusan ahay mid fudud oo aan miisaan lahayn, tusaale ahaan waa inay ka kooban yihiin qaybo, hoggaamo, talisyo iyo laamo hawl iyo hadaf ka dhaxeeyo 3-waa inay kala madax banaanyihiin cid walibana ay hawsheeda u wadataa qaab ay iyadu masuuliyadeeda leedahay xumaan iyo samaanba. 4-waa inay yihiin kuwo isku hadaf fulinaya kana turjumaya himilooyinka guud ee la hiigsanayo ee aysan ahayn kuwo iska soo horjeeda oo is raad guraya. Meelaha aysan hay’adahoodu noocaan u qaabaysnayn inta badan waxaa ka dhisan dawlado daciifa oo aan xaqiijin karanin himilooyinkii loo unkay, meelaha aanay dawladi ka jirinna amase dawladnimada lagu fashilay way adagtahay in hay’ado noocaanihi ka hirgalaan. Dalkeenuna waxa uu kamid yahay meelaha aanay dawladi jirin sidaynu horayba u qeexnay, marka mar labaad ayaynu si fudud u oran karaa mishkiladda ina haysaayi hoggaan la’aan ka wayn.

GUNAAANAD

Qormadaan nuxurkeedu maahan in hoggaanka Soomaaliyeed uu yahay mid duruufta iyo xilligu ka hiiliyeen ee aan isagu dhaliil lahayn, maahan taas nuxurka uu xanbaarsanyahay qoraalkani, ee waa iftiimin iyo bayaamin ku saabsan in mushkiladda ina haysaayi ka gudawayntahay caadifad jacayl ama nacayb oo qof gooniya loo hayo ama khudbooyin dareen wadaniyadeed leh oo shacabka loo jeediyo ama ciidamo mushaar la siiyo amase bulshada caalamka oo la tuso inaynu nahay dal xora oo karaamadiisa leh, taas baddalkeed dhibteenu waa qaran la’aan, dawlad l’aan, sharci, la’aan iyo hay’ado la’aan.

Dhismaha Qaran iyo dawlad-dhisiddu maahan wax ku yimaada fudayd iyo muddo kooban toona dawwladaha maanta ay u dhisan yijiin qaramada ugu fiicaninna dawlad-dhisidu waxay ku qaadatay qarniyaal illaa ay ka soo gaareen heerka ay maanta joogaan. Yurub oo lasheego inay tahay meeshii ugu haraysay ee uu ka hirgalay nidaamka modern stateka layiraahdo oo ah dawladaha casrigaa ee maanta caalamka ka jira waxay u soo martay dawlad dhisideedaas jid aad u dheer ayna ku xeer naayeen daruufo qalafsan iyo qalalaase joogtaa. Waxaana isu soo badalay marxalado qalafsan oo mid waliba xilligeedii soo qaadatay sida boqortooyooyin, imbaradoorado, kacaano, kaligood-taliyayaal, xuruub ahliya, kuwo goboleed, kuwo qaaradeed, kuwo caalamiya iyo iyo ugu dambayn dimuquraadiyadda oo ah nidaamka ay iminka ku dhaqamaan. Inkasta oo aynu ku jirno dhabihii dib u dhalashada aynuna ka fiicanahay meeshii aynu joognay toban sano ka hor haddana faanoole fari kama qodna maxaanyeelay waxaa la yiraahdaa dal burburay inuu ku soo noqdo meeshii uu joogay xilligii uu burburay waxay qaadataa konton sano. Cid walba oo aaminsan magaca iyo qalfoofka dawladnimo oo aan leenahay iyo qaab xulashada hogaankeena dimuquraadiyadda ku dhisan ee heer gobol ilaa fadaraal inaynu dawalad siyaado leh ku noqonayno, waa cid uun maalin cad riyoonaysa.

Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi

Filed Under: Opinion

MAQAAL: MUDANE MADAXWEYNE GUUXA SHACABKA MAQAL

30th October 2017 by A.lahi Leave a Comment

Tan iyo xiligii lagu doortay ee bishii Febraayo 8, 2017 shacabka Soomaaliyeed waxay ka dhursugayeen in ay arkaan isbedel maamul, kobcinta dhaqaalaha, iyo dowlad wanaag. Waayo waxay ku daaleen colaad, argagixiso diin xambaarsan iyo musuq maasuq. Waan garan karnaa in ay muddo kooban talada wadanku gacantaada ku rijtay. Laakiin marka la fiiriyo sida hada wax u socdaan waxaa soo baxaya ifafaale yaal aan shacabku ku qanacsaneyn.

Lama dhihi karo dowladaadu wax horumar ah kuma talaabsan. Waxaa horumar laga gaaray dhinaca nabadgelyada caasimada iyo nawaaxiga ku wareegsan. Waxaa laga hortegay abaaro dad iyo duunyo intaba xaalufinlahaa. Waxaa kale oo aan la iska indhotiri Karin xaalada dhaqaale, siyaasadeed, iyo nabadgelyo ee wadanku ku sugnaa markii lagu doortay. Somalidu waxay ku mahmaahdaa “ NIN XIL QAADAY EED QAAD” waxaad u bareertay in aad howshaan dhabarka u dhigato. Hase ahaatee waxaa soo baxaya habacsanaan ku aadan horumar la’aanta ama wax qabadka hey’adaha dowliiga ah. Waxaan meesha ka muuqan yididiilooyinkii aad ku hamineysey xiligii aad tartanka ku jirtay oo haldhigoodu ahaa:

waxaan soo celinayaa Sharaftii Qaranka Soomaliyeed
waxaan ladagaalamayaa Musuq Maasuqa
waxaan dhisayaa Ciidamadii Qaranka Soomaliyeed.
Waxaan Kobcinayaa dhaqaalaha wadanka
Hadaan dib u milicsano qodobada aan kor ku soo xusnay. Ma ahan suurtagal in aad mudo gaaban ku fulisid; laakiin waxaan ummada Somaliyeed u muuqan waayey ifafaale tusaya in aad dariiqaas ku socoto. Waxaad ogtahay in aad madax ka tahay dal dadkiisa samirkii ka dhamaaday iyadoo ay u dheertahay caafimaad xumo, shaqo la’aan iyo gaajo ay dhaxleen colaadihii soo maray. Waxay sugeyeen dowlad wanaag, waxay dhowrayeen in aad sharaftii qarankooda soo celisid idigoo ka dheregsanaa in aad wajaheysid cadow badan oo iskugu jira midka gudaha ( maamulo is bar bar yaacaya, baarlamaan qabyaalad iyo laaluush lagu soo xulay, iyo shaqsiyaad raba in ay jeebabka buuxsadan) iyo cadowga dibada ( wadamada deriska, hey’adaha aan dowliga aheyn, iyo wadamada horey u maray) oo midkasta dana gaar ah wato. Waxaan wada ognahay in Wadama shisheeye ay la wareegeen kaabayaashii dhaqaale ee wadanka. Waxaa hortaada lugula wareegay labadii dekadood ee Bosasso iyo Babera. Waxaa ka sii horeysey dekadii Muqdisho iyo madaarkii Aadan Cade. Iyadoon midkoodna sharciga la waafajinin.

Waxaad ogtahay in aan ilaa maanta qofna loo soo xirin ama shaqada looga casilin musuq maasuq lagu so oogay. Waxaa intaas sii dheer, in la abaal mariyey kuwo badan oo mudooyin dheer lagu eedeynayey in ay boobeen dhulkii iyo hantidii shacabka, in ay musuq maasuqeen mushaarkii ciidanka, shaqaalaha iyo in ay si sharcidaro ah u iibsadeen maxabiis ku eedeysneyd falal argagixiso iyo dil. Waxaad afkaaga ka xiratay musuqmaasuqii barqo cad meel fagaare ah lagu qeybsaday hantidii shacabka reer Puntland . Waxaan oran karnaa waxaa weli meesha ka maqan hey’adihii dowliga ahaa ee ka hortigi lahaa musuq maasuqaas sida( hey’adii la dagaalanka boobka hantida qaran iyo hey’adihii cadaalada) oo ka howlgala wadanka gobaladiisa.

Sidaad horey u tibaaxday wadan qaranimadiisu ma dhameystirna inta uu ka helayo ciidan mideysan oo xuduudihiisa difaaca. Sidii aad balanqaaday, waxaan u fadhiney in aad u tafaxeydato sidii aad ciidan qaran u dhisi lahey. Dowlada Somalia waxey mushaar siisaa ciidan farbadan oo qabiil ku saleysan isla markaana aan laheyn hogaan mideysan. Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan ciidan lacag ka qaata safaarado iyo wadamo shisheeye oo khatar ku ah jiritaanka qaranida Somaaliyeed. Waxaa kale oo jira kuwo ka amar qaata dowladado iyo shirkado shesheeye oo lacag kuqaata tayeynta ciidanka xooga dalka Soomaliyeed. Waan garan karnaa miisaanka caqabadaha ku hortaagan iyo kuwa kaa hor imaankara. Hase ahaatee ummada Somaaliyeed waxay kaaga fadhidaa dhabar adeyg iyo in aad la timaado siyaad cusub oo aad ku maareyseyso si aad u gaarto hadafkii laguu doortay.

Ugu dambeentii, waxaa dowladaada laga sugayey hanaan cusub oo siyaasadeed. Waxaadse moodaa in ay cagta saartay wadadii kuwii ka horeeyey ay mareen. Waxaa mudooyinkaan dambe soo baxayey is bar bar yaac, hadalo is burinaya, cadaalad daro laga tabanayo xafiisyada wadanka laga maamulo. Waxaa dowladii iyo hadafkeedii majara habaabiyey shaqsiyaad qabiil xambaarsan, kuwa aargoosi wata, iyo kuwa u soo shaqo tagey in ay maal ka cootaan. Taas waxay horseeday, in la ilaawo hadafkii horumarinta dhaqaalaha (kobcintii beeraha, kaluumeysiga iyo warshadaha yar yar ) si loo helo isku filnaasho dhaqaale iyo nolol.

Waxaan hadalkeyga ku soo gunaanadayaa, wali lagama quusan in la gaaro himilooyinka aan higsaneyno, laakin waxay u baahan tahay in dowladaadu la timaado maskax furan oo ay ku wajahdo arimaha horyaala iyo caqabadaha ka hortaagan. Mudane Madaxweyne, waa adiga cida shacabka Soomaliyeed ay doorteen. Waxaa la filayey in aad waqtigaan soo booqato dowlad goboleedyada kala duwan, in aad soo dhageysato guuxa shacabka, waxgaratka iyo ganacsatada. in aad talooyin ka doontid aqoonyahnada ku kala baahsan addunyada daafaheeda kala duwan. Waxaa la sugayey in aad caleen qoyan u fidiso shacabka reer Soomaliland iyo dowladooda oo gooni isku taagay. Waxaan garan karnaa in aysan aheyn arin sahlan laakin waxay u baahantahy in xal loo helo. Shacabka Soomaaliyeed waxaa deeqa cadaalad iyo dowlad wanaag.

Nolo iyo Nabadgalyo.

Filed Under: Opinion

Danno Siyaasadeed oo dhabar-jabiyey Baaritaankii Qaraxii Soobe?

28th October 2017 by A.lahi Leave a Comment

Waxaa maanta laga joogaa 14 maalmood markii uu dhacay weerarkii Xasuuqa ahaa iyo Qaraxii isgoyska Soobe ee lagu dilay in ka badan 358 qof, balse weli dowlada Soomaaliya masoo bandhigin wax natiijo ah baaritaanka la sheegay inuu socdoBaaritaanka-Qaraxii-Zoobe-Natiijo0Baaritaanka weerarkaasi ma jiraan illaa iyo hada wax xisaabtan ah oo lala yeeshay hay’adaha amaanka qaabilsan, mana jirto wax horumar ah oo laga sameeyey baaritaanka oo hada u muuqdo mid gaabis ku yimid ama lugaha la galay arrimo siyaasadeed.

Horseed Media oo ay suurto gashay inay markale xariir la sameyso qaar kamid ah Saraakiisha hay’adaha amaanka ee ku hawlanaa baaritaanka socday ayaa u xaqiijiyey in arrimo siyaasadeed ay dhabar jab ku noqdeen hawlihii baaritaanka la waday.

Eedeysanayaasha iyo Xiriirkooda
Waxaa horey qorshuhu ahaa in lasoo bandhigo dadka loo qabtay weerarkan, hase yeeshee arrintan ayey xukuumada Federaalka iyo madaxdeeda sare go’aansadeen in la joojiyo, kadib markii ay codsiyo badan uga yimaadeen shirkado iyo dadyow kale oo xiriir laleh eedeysanayaasha kuwaasi oo ka cabsi qaba in baaritaanka iyaga lugaha lasoo galo, waxaana arrintan horey ugu sheegnay warbixinteenii hore ee [Baaritaanka Qaraxii Zope oo lugaha la galay Mid kamid ah Shirkadaha ugu waaweyn ee Muqdisho!] 18kii Oktoober.

Tashwiisha iyo Siyaasad
Saraakiisha baaritaanka waday ayaa sidoo kale ka cabanaya in tashwiish xoogleh lagu furay baaritaanka iyo arrimo siyaasadeed taasina keentay in gebi ahaan la joojiyo qorshihii ahaa baahinta natiijada baaritaanka ee horey loo qorsheeyey.Baaritaanka-Qaraxii-Zoobe-Natiijo-Thegaurdian17okt-400x268

Xubno kamid ah Xafiiska Raysalwasaare Xasan Cali Khayre ayey saraakiisha ku dhaliileen in xog aan jirin ay siiyeen warbaahinta caalamka qaarkood sida Jariirada The Gaurdian, xogtaasi oo garab marsan natiijooyinka baaritaanka socday Warbixintii The Gaurdian
Jariirada The Gaurdian ayaa sadex maalmood kadib qaraxii Soobe qortay xog ay sheegtay inay kasoo xigatay saraakiisha dowlada oo u xaqiijiyey in weerarkii Soobe uu fuliyey askari horey uga tirsanaan jiray Ciidamada Qalbka Sida ee Soomaaliya oo ka gadooday dilkii loo geystay beeshiisa ee weerarkii Bariire, xogtaasi oo ay saraakiisha Baaritaanka wada ku eedeeyeen inay bixiyeen xubno ku sugan xafiiska Raysalwasaare Khayre.

Taliska Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa iyaguna dhankooda ka beeniyey in ninka weerarkaasi fuliyey uu ahaa askari ciidankooda ka goostay iyagoo iska fogeeyey warbixintii jariirada The Gaurdian.

“…Waxaa nasiib xumo ah in Xafiiska Raysalwasaaraha rag ka shaqeeya ay xog been ah siiyaan jaraa’idka caalamka maalmo kadib qaraxii Soobe iyadoo illaa iyo hada la diidan yahay in xogta rasmiga ah shacabka Soomaaliyeed loo soo bandhigo..” ayuu yiri sarkaal kamid ah hay’ada nabadsugida oo la hadlay Horseed Media.

Xogta ay bixiyeen xubnaha ka shaqeeya Xafiiska Raysalwasaaraha ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkan lala damacsanaa Saldhiga dowlada Turkiga ka dhistay jasiira ee lagu tababarayo ciidamada dowlada Federaalka, xogtan oo sidoo kale ka horimaaneysa natiijada baaritaanka socday sida ay sheegeen saraakiisha hay’adaha amaanka oo sheegay in arrintan ay qeyb ka ahayd inaan dowlada shaacin baaritaanka socday.

Safarka RW.Khayre ee Turkiga
Xafiiska Raysalwasaare Xassan Cali Khayre farrogelinta uu ku sameeyey baaritaanka socday ayaa la sheegay inuu la xariiray booqashada Raysalwasaaraha doonayey inuu ku tago dalka Turkiga oo ay dowlada Soomaaliya u bandhigi doonto inay taageero ciidan oo horleh siiso xukuumada federaalka si looga jawaabo weerarkii Soobe.

Arrimahan siyaasada ayey saraakiisha sheegeen inay caqabado ku noqdeen baaritaankii socday iyo in laga gun gaaro dhamaan shabakadihii isku xirnaa ee fududeeyey weerarkii dhacay 14kii Oktoober.

Xafiiska Raysalwasaaraha ayaan weli ka jawaabin xogtan ay bixiyeen saraakiisha baaritaanka waday iyo dhaliilaha loo soo jeediyey.

Todobaadkii hore ayey shir jaraa’iid oo ay qabteen Wasiirka Warfaafinta iyo Amniga uga hadleen tirada dhimashada iyagoo aan warbixintooda wax faah faahin ah ka bixin baaritaanka socday.

Weerarkii 14kii Oktoober ayaa ahaa kii ugu xumaa ee ka dhaca Caalamka tan iyo weeraradii 11kii September 2001 ee Maraykanka ka dhacay. Waxaana ku dhintay in ka badan 358 qof, waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 400.

Illaa iyo hada oo laga joogo ku dhawaad labo todobaad dowladu ma shaacin cida ay weerarkaasi u qabatay iyo natiijada baaritaanka socday oo warar kala duwan kasoo baxayaan arrintaasi oo su’aalo badan la iska weydiinayo.

Filed Under: Opinion

Sawiro: Digfeer aan wada Ilaashanno (Warbixin ka hadleyso waxqabadka Turkiga ee Isbitaalka)

11th September 2017 by A.lahi Leave a Comment

Waxaan go’aansaday in aan Digfeer geeyo kadib markaan bixin waayey xanuunkiisa (Cudurka haya) waxaana igula taliyey qaar Asxaabtayda ka mid ah oo hore u tegey, waxaan u haystey in laga bad-badiyey, laakiin waxaan durba la fajacey qaabka uu u dhisan yahay, baaxaddiisa, tirada dadka adeegga caafimaad u soo doonta, qaabka dadka loo qabilayo, Nadaafadda, ka badan 30 dhakhtar oo kala duwan ayaa fadhida, meel walba wa mashquul oo hawl ayaa ka socota, markaan arkay sida aan hagarta lahayn ee loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan ayaa waxaan go’aansaday in aan Digfeer warbixin ka diyaariyo. Waxaa Maalintii booqata iyagoo qaba xanuunno kala duwan inta u dhexaysa 600-800 oo bukaan kuwaas oo hela adeega Caafimaad ee ay u baahan yihiin sida uu ii sheegey mid ka mid ah Hawl wadeenaada Cusbataalka.

“Cusbataalka waxaa loogu tala galay inuu noqdo mid Tababar iyo Cilmi baaris, Ujeedku waa in la helo Shaqaale Caafimaad oo Soomaaliyeed oo tababaran si looga maarmo Shaqaalaha Cafimaadka ee Turkiga ee noo soo gurmadey” sidaa waxaa yiri Agaasimaha Cusataalka Digfeer Mudane Xuseen Nuur.

Agaasime Nuur waxa uu intaa raaciyey. “Si loo hirgeliyo arintaas waxaa Cusbataalka ka shaqeeya 430 qof oo Soomaali ah oo aaney ku jirin Askarta Waardiyaha ah iyo 86 Turki ah, Shaqaalaha Soomaalidu waxay isugu jiraan Nadiifiyaal, Shaybariistayaal, Farmashiistayaal, Turjumaanno, Khasnajiyaal, Kalkaaliyaal iyo Dhakhaatiir, Waxaana wax lagu faano ah in shaqada Aasaasiga ee Cusbataalka ay 90% qabtaan Gabdho iyo Wiilal Soomaaliyeed”.

Amaal Maxamuud Axmed oo Madax ka ah qaybta Raajada, CT Scan-ka iyo MRI-da iyo Saciid Maxamuud Sahal oo madax ka ah Qaybta Mashiinada Kelyaha Dhaqa ayaa ii sheegey in Gabdhaha iyo Wiilasha ku shaqeeya Qalabkaan oo dhan ay hadda yihiin Soomaali, waxayna inta ku dareen in Laba sano ka horna oo ah Markii la furey Isbitaalka aanu jirin qof Soomaali ah oo Mashiinadaan ku shaqeyn kara.

Agaasimaha Cusbataalka Erdogan Mr. Xuseen Nuur ayaa ii sheegay iney Sedaxdii Biloodba Warbixin siiyaan labada Wasaaradood ee dalalka Soomaaliya iyo Turkiga u qaabilsan Caafimaadka, Tusaale waxa uu yiri. “January, February iyo March waxaan qaliimo kala duwan oo nooc kasta ah ku samaynay 810 Bukaan, April, May iyo June waxaan ku samaynay Qaliimo sidaas oo kale ah 1319.Bukaan”

Mr. Nuur waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri. “Hada waxaa tababar Takhasusi ah ku iira 16 Dhakhtar oo aan doonayno iney ku takhakhusaan Daawaynta Cudurda Guud, Haweenka iyo Caruurta, waxaan kaloo dhakhaatiir u tababarnay una tababaraynaa qaar ka mid ah Cusbataalada Magaalada Muqdisho iyo Degmooyinka Soomaaliya”.

Waxaan weydiiyey tabarucaada ay sameeyaan. Waxa uu yiri. “lixdii bilood ee ugu dambaysey waxaan lacag la’aan ku dawayney 834 qof oo dan yar ah”. Waxa uu sii raaciyey. “Bukaanada Kelyaha loo dhaqo 90% ma awoodaan iney iska bixiyaan khidmada aan qaadno oo ah markiiba 35$. 10-ka soo harayna waxaan ka qaadnaa 10$. “Qof kasta oo ku dhex dhinta Cusbataalka haddii xitaa lagu leeyahay 10-kun oo doolar waxba kama qaado” ayuu yiri Mr. Xuseen Mar aan waydiiyey sida ay ka yeelan Bukaanada ku dhex dhinta Cusbataalka ee Lacagaha lagu leeyahay.

Mar aan weydiiyey Cabashada ka timaada Bukaanka soo booqda wuxuu ku jawaabey “Cabashadu ma badna hadii ay timaaddana Waa maalinka Koowaad maadaama uu Bukaanku cusub yahay, laakiin Dhibaatooyinka aan ku qabno Bukaanada Qaar waa deg-degsiimo oo ma ogola in ay maraan habka noo yaala oo ah in la raaco”

Gebagebadii Agaasimaha Cusbataalka Erdogan Mr. Xuseen Nuur waxa uu ii sheegay iney qaybtooda Gargaarka deg-dega ahi shaqayso 24 saac, waxa uuna daba dhigay iney bixiyaan talaalka noocyadiisa kala duwan oo lacag la’aan ah, si kastaba “DIGFEER AAN WADA ILAASHANNO OO AAN U MAHADCELINO WALALAHA TURKIGA”thumbnail_0

thumbnail_1

thumbnail_4

thumbnail_5

thumbnail_6

thumbnail_7

thumbnail_8

thumbnail_9

thumbnail_10

Filed Under: Opinion

Warbixin: Qalbi Dahagax muxuu u gilgiley quluubta Soomaalida?

6th September 2017 by A.lahi Leave a Comment

Magaciisu waa Cabdikariim Sheekh Muuse, waxaana lagu naanaysaa Qalbi-Dhagax , taas oo malaha loogu bixiyey calool adeygiisa, balse toddobaadkan wuxuu ruxey quluubta Soomaalida intooda badan, isaga oo noqdey shaqsiga loogu hadal heyn badanyahay baraha bulshada iyo qalabka warbaahinta intuba.

Haddii ay kuu tahay markii koowaad ee aad maqlaysid magaca Qalbi Dhagax, waa sargaal sare oo ka tirsan jabhadda ONLF oo sida la sheegay inta dowladda Soomaaliya qabatay, kadibna ku wareejisey Itoobiya.

Ma ahayn nin horey caan oga dhex ahaa Soomaalida, marka laga reebo dadka ay isku qaddiyadda yihiin iyo laamaha sirdoonka dalalka geeska Afrika qaarkood oo laga yaabo in ay isha ku hayeen dhaqdhaqaaqiisa.

23-dii illaa 27-dii Agoosto, 2017

Wax kasta waxa ay isbadaleen taariikhda markii ay ahayd 23-dii bishii Agoosto ee lasoo dhaafay, xilligaas oo Cabdikariim uu ka duulay magaalada Muqdisho, kana degay Gaalkacayo, si uu halkaasi uga soo qaado wiil yar oo qaraabadiisa ka mid ahaa sababo caafimaad awgood.

Sida uu BBC-da u xaqiijiyey Maxamed Daahir oo ka tirsan mas’uuliyiinta jabhadda ONLF oo ku sugan magaalada Johannesburg, Qalbi Dhagax waxa uu Gaalgacayo tagay galinkii dambe ee maalintaas, isla habeenkiina waxaa qabtay ciidammada Galmudug.

Waxaa dhacday in dadka deegaanka magaalada Gaalkacayo, gaar ahaan dhanka Koonfureed ay aad ugu dadaaleen in Qalbi Dhagax lasoo sii daayo, balse waxaa markii dambe la wareegay ciidammada Nabad Suggida Qaranka Soomaaliya ee NISA, kuwaasi oo usoo duuliyey magaalada Muqdisho.

“Markii ay NISA la wareegtay anaga neefta ayaa naga soo fuqday, waxaanan u qaadanay in NISA ay u dhaanto Galmudug, oo uu ku nabad gali doono gacanta dowladda Federaalka oo aan kalsooni aad u badan ku qabnay, balse taas ma dhicin, oo waxaa dhacday nasiib darradii ugu weyneyd oo ah in ninkii loo gacangaliyo Itoobiyo” ayuu yiri Maxamed Daahir.

Markii Muqdisho la keenay ayaa waxaa jirey iskudayo ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiin dowladda federaalka oo ku saabsan in lasoo daayo Qalbi Dhagax, balse waxa ay illo wareedyo kala duwan xaqiijiyeen in taariikhda markii ay ahayd 27-di Agoosto diyaarad loo saaray Itoobiya sida ay sheegtay jabhadda ONLF oo war qoraal ah soo saartay.

Mardambe waxaa soo shaac baxay muuqaal la sheegay in laga soo duubay Qalbi Dhagax oo jeebeysan, balse BBC-da ma xaqiijin karto goobta laga duubay iyo waqtiga iyo waliba cidda duubtay. Waxaa muuqaalkan lagu faafiyay shabakada Dalsoor.

Waa Kuma Qalbi Dhagax ?

Qalbi Dhagax waxa uu muddo dheer ka mid ahaa jabhadda ONLF, xilal kala duwan ayuuna kasoo qabtay, xilkii ugu dambeeyey ee uu ka hayay waxa uu ahaa hoggaanka arrimaha gudaha iyo xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ugu awoodda badan jabhadda sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan ONLF.

Sidaasi darteed wuxuu noqonayaa xubinkii ugu sarreeyay ee ONLF ka tirsan oo u gacangala Itoobiya, balse ma ahan kan kaliya ee Soomaaliya gudaheeda inta laga qabto loo wareejiyo Itoobiya.

Ilaa 5 sargaal oo kale oo sarsare ayaa 20kii sano ee lasoo dhaafay laga qabtay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo laga qabtay magaalooyinka Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacayo iyo Guriceel sida ay sheegeen ONLF. Waxaa sidoo kale jirey dad jabhadan ka tirsanaa balse aanan wax mas’uuliyad haynin jabhadan oo iyagana la dhiibay.

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayay jabhadda xaqiijisey in uu ka mid ahaan jirey ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya, isaga oo sannadkii 1984-tii ku dhaawacmay magaalada Galdogob dagaal Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray.

Jawaabta Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya

Dowladda federaalka Soomaaliya wali wax jawaab rasmi ah kama aysan bixinin qabashada iyo dhiibista Qalbi Dhagax marka laga reebo taliyaha NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo mar meel fagaaro ah lagu weeydiiyey sheegay in ay ka gaabsanayaan arrinka.

“Waa arrin xasaasi ah, mana jirto cid hadda ka hadli karta, waxaanan ka hadlaynaa waqtiga ku habboon” ayuu yiri Sanbaloolshe oo u muuqday in uu xaqiijinayay in ay dowladda wax ka ogtahay arrinka Qalbi Dhagax.

Wixii markaas ka dambeeyay ma jirto cid ka tirsan madaxda sare ee laanta fulinta oo arrintan ka hadashay, isku dayo faro badan oo aan samaynay, wax jawaab ah lagama bixinin.

Warbaahinta dowladda sida wakaaladda wararka, Raadiyoow Muqdishoow iyo Taleefishinka ayaan iyaguna sooba hadalqaadin dhiibista Qalbi Dhagax xili warka ugu weyn ee warbaahinta kale ay tabineyso uu kaas yahay.

Hase yeeshee dowladda Itoobiya ayaa markiiba ka hadashay Qalbi Dhagax waxayna xaqiijisey in ay gacanta ku dhigtey ninkaasi, waxaana intaasi lagu daray in dowladda Soomaaliya ay gacan ka siisay sida uu idaacada VOA qeybeetda Amxaariga u sheegay Wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya Negeri Lencho.

Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay khiyaano qaran oo la galay in la dhiibo qof Soomaali ah.

Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo BBC-da la hadlay ayaa yiri “Haddii aan nahay baarlamaanka Soomaaliya waan baaraynaa arrinkan, ciddii ay ku cadaatana sharciga ayaa lala tiigsanayaa”.

Balse xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo isna la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay dowladda Soomaaliya ka caawiyaan la dagaalanka Alshabaab, ayna suurtogal ahayn in cid Itoobiya cadaw ku ah lagu magangaliyo Soomaaliya.

Dad aad u badan oo isugu jira ururada bulshada rayidka, qurba-joogta, aqoonyahannada iyo shacabka qeybihiisa kala duwan ayaa dareenkooda ka dhiibtay, waxayna cambaareeyeen waxa dhacay.

Baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter-ka ayaa ugu daran meelaha ugu badan ee lagu hadal hayo, muddo labo toddobaad ka badana Qalbi Dhagax waa moowduuca ugu weyn ee lagu faaqidayo barahaasi, iyada oo dadka qaarkood ay sawirkiisa saarteen ciwaankooda.

Maxay tahay ONLF ?

1-Waa jabhad la asaasay sannadkii 1984tii oo sheegta inay u halganta xaqa ismaamulista ama madaxbannaanida dadka iyo dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya maamusho.

2-Jabhadda Xoreynta Ogaden ayaa waxa ay muddo dheer la dagaalamaysay dowladda Itoobiya, waxaana jira weeraro badan oo dowladda Itoobiya ay ku eedeysay jabhadan.

3-Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in la wiiqay awooddii ONLF ee gudaha.

4-Waxaa jabhadda guddoomiye ka ah Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo horey u ahaan jirey taliyihii ciidammada badda Soomaaliya,

5-Sannadihii dhawaa waxa ay dirir u dhaxaysay ciidamadda jabhadda iyo kuwa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,

6-ONLF waxa ay dowladda Itoobiya iyo dowlad deegaankaba ku eedeysaa xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, eedeymahaas oo markasta ay beeniso dowladda Itoobiya.

Dastuurka muxuu ka qabaa?

Aragtida koowaad ee la’isku wada raacsanyahay ayaa ah in aysan meelna sharciga Soomaaliya kaga qorneyn in qof Soomaali ah oo gudaha dalka ku sugan loo dhiibo dowlad kale.

Qodobka 36-aad ee dastuurka ayaa si kooban oga hadlaya isu celinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha ee dalalka kale, wuxuuna shuruud ka dhigayaa in uu marka hore jiro heshiis ka dhaxeeya labada dal in ay isu celiyaan maxaabiis, isu celintana ay ahaataa mid waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Ma jiro wax heshiis ah oo la ogyahay oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay isugu celiyaan eedeysanayaal ama maxaabiis, hase yeeshee 22-kii bishii Luuliyo ee sannadkan 2017-ka ayaa dowladda Soomaaliya waxay lasoo wareegtay maxaabiis gaaraysa 114 oo Soomaali ah oo ku xirnaa xabsi Itoobiya ku yaalla , waxaana dadkaasi oo dambiyo yaryar loo heystay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ololaha doorashada ku galay illaalinta xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, wuxuu ololihiisa iyo balanqaadyadiisa ku salaysnaayeen waddaniyad iyo illaalinta sharafta iyo karaamada Soomaaliya.

Waana sababtaasi tan ugu badan ee ay dadka cuskanayaan marka ay aragtiyadooda dhiibanayaan, iyaga oo ku baaqaya in madaxweynaha uu arrintan ka hadlo, wixii laga qaban karana uu ka qabto.

Waxaa kale oo jira baaqyo loo dirayo labada aqal ee baarlamaanka in ay fadhi ka yeeshaan Qalbi Dhagax , go’aamana kasoo saaraan, laanta fulintana ay ku qasbaan in ay ka jawaabto sida ay wax u dhaceen.

Dadka baaqa u direy madaxda dowladda waxaa ka mid ah xaaska Qalbi Dhagax oo lagu magacaabo Khadro Maxamed Cabdi xili ay la hadashay warbaahinta, waxayna ka dalbatay madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha in ay xoriyadiisa dib ugu soo celiyaan seygeeda.

W/Q: Cabdinaasir Saxansoxo BBC Somali, Nairobi

Filed Under: Opinion

Waa maxay saamaynta uu ku leeydahay jidadku kobcinta dhaqaalaha.

26th August 2017 by A.lahi Leave a Comment

Sidaan ognahay dhaqaalaha waxaa saameeya wax yaal badan, wax yaabahaas waxaa ka mid ah jidadka oo la casriyeeyo.ha ahaadaan kuwo dhex mara magaalada dhexdeeda ama kuwo isku xira magaalo ka magaalo ama gobol ka gobal ilaa wadan ka wadan.

Waa maxay jidadku

Xiliyadii hore dadku markay safrayaan waxay isticmaali jireen lugahooda waxayna waxay ku qaadan jireen dhabarka, xoolo dhaqashada ayaa markii ugu horaysay fududaysay adeegsiga xayawaano awood badan leh kuwaas u sahlay in culays badan ka dhaco bini aadamaka taas oo xayawaan ku fududeeyey qaadisteeda, waxaa kaloo looga faaidaysan jiray in laraaco oo meeshi larabo lagu gaaro.

Ikhtiraacidii taayrada iyo gaari dameerada ama gaari baraf ka waxay fududaysay in si fiican looga faaiidaysto xayawaanka qaybtooda lagu safro waxayna hor dhac u ahayda soo ikhtiraacida baabuurta.

Xiliyadii hore waxaa aad loo isticmaali jiray in lagu safro fardaha iyo dibiyada.

Waxaa xigay wado xadiid ah oo ay samayn jireen xadaaradihii hore.

Soo bixitaankii kacaankii warshadaha qarnigii 19aad ayaa waxaa aad usoo ifbaxay wadooyi fara badan oo casri halka qarnigii 20aad ay noqdoon kuwo casri ah.

Intee qaab ayaa loo safraa

Guud ahaan waxaa ugu muhiimsan afar nooc oo caan ah waxayna kala yihiin

wadada tareenka : wadada tareen waa wado ka kooban laba dhiac kaas oo ku ordo tareenku
wadada laamiga ah : waa wado laami ah oo ay badanaa isticmaalaan baabuurta qaybahooda kala duwan marmarka qaarna waxay noqon kartaa jidcade ama xaaaf
safarka biyaha : aad waxaa u isticmaala laashashka,doomaha,maraakiibta iyo foolfayaasha waxayn dulmaraan biyaha oogadooda sida biyaha badda,badweynta, webiyada iyo harooyinka.
Safarka hawada : kaas oo ah in lagu safro hawada waana wax ku cusub caalamka markii ugu horaysana waxaa la isticmaalay bilawgii qarnigii 19aad. Markii ugu horaysay waxaa hawada loo diray duulimaadkii ugu horeeyey 1903 waxayna duulaysay mudo 12 mirir ( seconds ) ah, laakiin wixii intaa ka dambeeyay waa lagu guulaysay waxaana safarkii ugu horeeyay ee hawada ah la diray 1919 london ilaa paris ka dib markuu dhamaaday dagaal kii koowaad ee dunida 1914-1918.
Seebay u saamaysaa dhaqaalaha puntland (study puntland )

Puntland waa state ka mid ah somalia waxaan la asaasay sooyaalku markuu ahaa

1-Aug-1998 ku dhowaad 8eed sano ka dib burburkii dawladii dhexe ee somalia.

Puntand waxay gaartay horomaro balaaran oo dhinacyo badan taabanaya.

Meelaha ay horomarada ka gaartay waxaa ka mid aha dhinaca wadooyinka

(transportation). Waxaa suura gashay in horomaro bandan laga gaara dhinanacyada wadoyinka iyo jidadka waaweyn, nooc walba ay ahaadaanba, sidan kuwa dhexmara maagaalooyinka oo isku xira xaafadaha iyo kuwa waa weyn oo isku xira dalka gudihiisa.

Laga soo bilaabo 2002-2017 waxaa lagu guulaystay in la dhiso jidad fara badan iyo in la casriyeeyo garoomo diyaaradeed ( Air ports ).

marka laga fiiriya xagga jidadka ,adeegyada basasku waxay ka shaeeyaan gudaha puntland sida magaalooyinka Bosaso, qardho , Gorowe iyo laas-caanood. sidoo kale waxaa jira baabuur iskaga dhex shaqeeya magaalooyinka puntland.

in ka badan 49000 oo gaari ayay diiwaan galisay wasaaarada hawlaha guud iyo Gaadiidka.

Puntland waxay leedahay waddo isku xidha maagaalooyinka kala ah Bosaso, qardho, Gorowe ,Galkacyo iyo Laas-caanood, waxayna dherekeedu dhanyahayn750 km.

2012 waxaa dayactir ku samaysamay wadada u dhaxaysa Gorowe iyo Galkacyo ha’ada PHA, sidoo kale isla sanadkaas waxaa la sameeye dayactiro badan oo wadooyinka ah sida Bosaso iyo Gorowe wadada u dhaxaysa, waxaa kaloo la unkumay wadooyin fara bdan oo dhexmara magaalooyinka puntland.

Dakada ku taala Bosaso oo lasameeyay 1980s ayaa iyadana labalan qaaday in balaarin iyo casriyeen lagu sameeyo. waxaa kaloo la isla soo qaaaday casriyaynta dadaka Las-Qoray.

marka la eego dhinaca diyaaradaha waxaa jira diyaarado gudaha ah ( local airlines) oo koonay safro gudaha iyo kuwo dibda ah.sida Djibuuti , Addis – Ababa, Dubia iyo Jidda.

waxaa kale oo ay fududeeyeen duulimaadyada lagu tago Xajka iyo Cumrada .

Diyaaradaha ugu caansan waxaa ka mid ah Jubba air ways, Cosob Air , Daalo Airlines ku waas oo ka shaqeeya garoomada kala ah Bender Qasim international Air port oo ku yaala Bosaso iyo Abdullahi Yusuf Axmed Air port oo ku yaala Galkacyo. 9/2013 waxaa la isku afgartay casriyaynta iyo balaarinta garoon Bosaso iyada oo meesha ay diyaaraduhu ku ordaan ( Runway ) ladheeraynayo

1800m-2650m balacana la balaarinayo 30m-45m.

puntland waxay samaynaysay koboc dhaqaale wixii ka dambeeyey burburkii dawladii militariga ahayd xiligaas oo loo yaqaanay gaari-waa. sidaa daraadeed waxaa muuqata in jidadka, dakadaha iyo garoomada diyaaradaha ay ka qayb qaataan hormarka dhaqaalaha.

shaqooyinka jidadka casriga ah

jidadka casriga ah waxay ka qayb qaataa koboco warshadaha yar yar oo wax soosaarkoodu abaahanyahay suuq gayn dhakhso ah.
jidadidka casriga ah waxay kor uqaadaan dalabka alaabta.
jidadka casriga ah waxay u faa’ideeyeen beealayda meelo fagfog dagan oo ka fog suuqa.
jidadka casriga ah waxay lid ku yihiin waqtiga ku dhuma sooqaadida alaabta.
jidadka casriga ah waxay ka qayb qaataan fariisinta qiimaha ( stabilization of price )
jidadka casriga ah waxay keenee tartan suuqa ah ( competition ).
jidad casriga ah waxay fududeeyaan is dhex gooshka shaqaalaha.
jidadka casriga waxay suura galiyaan in ay dadku helaan wax aan dalkooda laga soosaarin.
jidad ka casriga ah waxay suura galiyaan in alaabta la helo xiligii loo baahnaa.
TRANSPORT KA PUNTLAND MARKA LAGA EEGO XAGGA BAABUURTA.

ugu horayn waxaa muhiim ah in la ogaado noocyada ( jaadadaka ) ka shaqeeya puntland gudaheeda.

Run haantii waxaa jira noocyo (jaadad ) badan ku waas oo ka dhex shaqeeya puntland, waxay iskugu jiraan kuwo waa weyn iyo kuwo yar-yar waxaana loo adeegsadaa in ay u qabtaan shaqooyin kala duwan mujtamaca iyada oo laga eegayo xagga cabirkaama qaadka .sida guud buubuurta xammuulka ah waxay qaadaan alaabta iyo badeecadda iyaga oo iskaga kala gudbinya magaalooyinka dalka.

xagga baabuurta yar-yar loo isticmaalo in ay qaadaan rakaaba . si kastaba ha ahaatee buurbuurtu dowr muhiim ah ayay ka ciyaaraan kobcinta dhaqaalaha puntland.

shaxda (1 ) waxay na tusaysaa diiwaan galinta baabuurta

Year Car /jeep Pick up/min Large Bus
Bus

Trucks
4-5 6-8 12-24T 12-24T 3AXLES 4AXLES Heavy
Tones Tones With no With Machi

Trailer Trailer nes

1999 191 172 146 179 0 138 137 111 61 0
2007 305 102 0 436 47 74 6 1 0 0
2012 370 254 0 326 99 70 3 0 0 2
Total 866 528 146 941 146 282 146 112 61 2
percentage 26.8% 16.34% 4.5% 29.1% 4.5% 8.73% 4.5% 3.5% 1.9% 0.1%
xogtan waxaa laga soo aruurriyay 1999, 2007 , 2012 , waa sarfeey ( survey ) ay sameeyeen traffic . sarfeeygan ( survey ) waxaa laga sameeyey wadada u dhaxaysa Galkacyo-Gorowe si loo qiyaaso tirade baabuurta istimaashay ( ku safartay ) wadadaas.

xogta ku jirta jadwalka sare oo ka hadlaysa buubuurta waxaa look ala saaari karaa toban nooc sida soo socota.

Car/jeep: noocaan waxuu iskugu jiraa noocyada baabuurta yar-yar oo dhan oo ay ka mid yihiin Land cruise, MarkII, Surf , iyo kuwa kale oo badan tiradooduna waxay ku dhawdahay 866 gaari.
pickup/minibus: noocaaan waxaa ka mid ah baabuurta loo yaqaan pickup iyo buses ka yar-yar tiradooduna waxay ahayd baabuurtaas 528
large bus : tirade bus ka waaweyn waa 146
( 4-5 ) tones : tirade gawaarida tones kooda uu u dhaxeeyo 4 iyo 5 waa 941
( 6-8) tones : baabuurta 6-8 tones waa baabuurta loo yaqaano sideed Boole badanaana waxay qaadaan badeecadda iyo xoolaha noo tiradooda waa 146.
( 12-24 )T aan lahayn trailer ( qayb dambe ) waa baaabuur waa weyn waana 12-14 tones tiradoodana waa 282.
( 12-24) with trailer : waa baabuurta loo yaqaan indha-tareega waxayna lee yihiin
12-24tones.

3axle vehicles : baabuur la dhaho 3axle waa baabuurta waaweyn tiradoodana waa 112.
4axle vehicles : waa qeybta ugu waa weyn shaxda tiradooduna waa 61.
(10). Heavy machines : mashiinada calculus waa cagafcagaf yada ku waas oo loo isticmaalo Qodida dhulka, Qaadida waxyaalaha culus, Beeraha iyo wixii lamida tiradoodu waa 2

Jaan tuska sare waxa uu natusayaa noocyo ( jaadad ) kala duwan oo baabuur ah kuwaas oo ka shaqeeye gudaha puntland

Baabuurta loo yaqaan car/jeeb waa 26%, xagga baabuurta loo yaqaan pickup/minibus ay yihiin 16.34%. sidaas oo kale busaska waawyen waa 4.5%. baabuurta 4-toons waa 29.1% waana kuwa ugu badan basasku marka loo eego baabuurta ku jirta jaan-tuskan, Baabuurta 6-8tones waa 4.5% sidoo kale

12-24tones aan lahayn qaybta dambe iyo 12-24t oo leh qayb dambe

( indha-teree ) waa 8.73% iyo 4.5% sida ay ukala horeeyaan. dhinaca kale 3Axles ku waa 3.5% , sidaas oo kale Axles iyo mashiinada calculus waa 1.9% iyo 0.1% sida ay u kala horeeyaan.

xiriirka ka dhaxeeye helida jidad casri ah iyo hormarinta dhaqaalaha.

jidadka, garoonada diyaaradah iyo dakaduhu waa meelaha ugy muhiimsan kaabayaasha dhaqaalaha .

baabuurtu waxay uga qayb qaataan hormarinta dhaqaalaha wadanka siyaabo badan, waxxay qaadaan alaabta iyo rakaanka iyaga oo ka qaadaya meel ilaaa meel kale , waxay shaqo abuur u tahay dad fara badan puntland gudaheeda, darawalada baabuurta iyo shirkadaha safarada qaabilsan waxay dakhli ka helaan baabuurta ay ku shaqaystaan sidoo kale waxaa dakhli ka hela dawada iyaga oo bixiya cashuur. si kastaba ha ahaatee jaantuskan hoose ayaa muujinaya sida baabuurta noocyadeeda kala duwan loo cashuuro, iyada oo loo eegayo tankooda iyo awoodooda.

Horse Power(HP) Road Tax Stamp Tax Total Tax
$ $ $ Percentage (%)
HP 24
Land cruise

Land rover

3f&4f

Nissan petrol

60 1.2 61.2 21
HP 21
Surf Hilux Prado

Toyota 4×4

44.8 0.9 45.7 15.7
HP 18
Mark II Separated bus

29.4 0.6 30 10.3
HP 14
Bus jiir

Mark II Saloon
Chaser

Mitsubishi

22.4 0.45 22.85 7.9
Trucks
1Ton

2Ton

3Ton

4Ton

6Ton

8and12Ton

Vehicle with lifting and

Vehicle with water tank

5.5
12.6

9.6

25

42

6

25.5

0.1
0.25

0.4

0.5

1.5

1

1.3

5.6
12.85

10

25.5

43.5

7

26.8

1.9
4.4

3.4

8.8

14.9

2.4

9.2

Total 291 100%
Baabuurta canshuurta lagaqaado waxaa loo qaybiyaa kooxo si loo dulsaaro canshuur ku haboon . babuurta ( HP24 ) oo ay ka mid yihiin lad cruiser. 3F, 4F, Landover waxay bixiyaan 61.2 taasoo oo u dhigangta 21% canshuur bixiyaashu dawlad, waana kan ugu badan.markii loo barbar dhigo baabuurta kale, maxaa yeelay land cruiser ugu badan waxay u shaqeeyaan NGO iyo United Nation waxayna ka helaan dakhli fara badan. nooca ku xiga waa HP21 waxayna bixiyaan $45.7 waxayna u dhigantaa 15.7% guud ahaan canshuurta la bixiya.

waxaa ku xiga baabuurta HP18 waxayna bixiyaan $30 waxayn u dhigantaa 10.3% guud ahaan canshuurta la bixiyo. sidoo kale baabuurta HP14 waxay bixiyaan $22.85 kaas oo dhigma 7.9% guud ahaan canshuurta. sidoo kale cagafcagafyada tankoodu yahay 1 waxay bixiyaan $5.6 waxayna u dhigantaa 1.9% guud ahaan canshuurta. sidoo kale cagafcagafyada tankoodu yahay 3tones iyo 4tones waxayna bixiyaan $12.85 iyo $10 taas oo u dhiganto 4.4% ito 3.4% sida ay isugu xigaan.

cagafcagafyada tankoodu yahay 4tones iyo 6tones waxay bixiyaan $25.5 oyo $43.5 waxayna udhigantaa 8.7% iyo 14.9% sida ay u kala horeeyaan.

8-12tones cagafcagfyada ah waxayna bixiyaan $7 waxayna u dhigantaa 2.4% guud ahaan canshuurta baabuurta, waana kuwa ugu waweyn.

ugu dambyntii wiishka iyo booyadaha waxay bixiyaan $26.8 taas oo u dhiganta 9.2%

fiiro Gaar ah

xadiga canshuurta ee lagu soo rogo baabuurta laguma fariisin oo kaliya tankoooda iyo qaadkooda waxaa kaloo saamaynaya nooca baabuurka

GABAGABO

qoraal kan waxaan ku qoray sidaan u ogaado xiriirka ka dhaxeeya jidadka casriga ah iyo hormarinta dhaqaalaha puntland. iyada oo aan ognahay in jidadka oo la casriyeeyo ay door muhiim ka ciyaaraan dhaqaalaha, maxaa yeelay waxay fududeeyeen isu-socodka kaabayaasha dhaqaalaha. jidad la’aan dhaqaalahu uma shaqayn karo si wanaagsan.

puntland gudaheeda waxaa jira baabuur badan ku waas oo siyaabo kala duwan uga shaqeeya gudaha puntland iyaga oo ka qayb qaata kobcinta dhaqaalaha dalka.

waxay dadka iyo alaabaha isaga dhex qaadaan gudaha puntland ku waas oo u abuura shaqo dad badan oo shaqo l’aan ah sida darawalada, sidoo kale waxay dakhli soo galiyaan dawlada kuwaas oo bixiya canshuur, dabdeena dawladu ay kharashaadkeed keeda iskaga bixiso.

Tala soo jeedin

baabuurta aad ka u fara badan una xoogga badan ee ee puntland ka dhex shaqeeya ma haystaan wadooyin dayac-tiran , sidaa darteed waa in dawladu ay hagaajisaa oo dayac tirtaa wadooyinka puntland si loo helo jidad casri ah oo fududeeya is dhex goosh ka dhaqaalaha.
dawladu waa in ay hir galisaa basas (buses ) waa weyn oo u shaqeeya tax ahaan magaalooyingka dhexdooda, maxaa yeelay wxay qaadi karaan dad fara badan, sidoo kale waxay ka qaadayaan lacag yar dadka xagga ay basas ka yar ay ka qaadaan shacab lacag fara badan.
hadii ay siyaadaan baabuurta raaxda waa in ay dawladu saartaa canshuur badan sababtoo ah waxay keenayaan saamayn dibadeed oo xun ( negative wxternality ) waxayna badinayaa dikhawga hawada kaas oo keeni kara cuduro.
qaab dhismeed ( town plan ) waa in loo yeelaa magaalooyinka puntland waxay ka caawinaysaa in ay san dhicin zaxmad ama jamm.
waa in ay wasaarada hawlaha guud iyo gaadiidku ay siisaa darawalada laysin darawalimo ( license ) si loo yareeyo shilalka loo badbaadiyo naf iyo maalba
wadooyinku waxay ka qayb qaataan bilicda iyo qurxoonaanta magaalooyinka hadaba dawladu wa in ku dadaashaa ilaalintooda xagga nadaafadda iyo ku beeridda hareeraheeda dhir.
Tix-Raac

Gibbons, S. and Overman, H. G., (2009). “Productivity in transport evaluation studies”, Report for Department of Transport, London.

mowliid ( 2016 ) transportation and economic growth

Holl, A. (2006). “A review of the firm-level role of transport infrastructure with implications for transport project evaluation”, Journal of Planning Literature 21 (1): 3-14.

McKinnon, A, (1995), The Contribution of Road Construction to Economic Development, paper prepared for T&E workshop on roads and the economy.

Parkinson, M, (1981), “The Effect of Road Investment on Economic Development in the UK” government Economic Service working paper no.43, Department of Transport

Filed Under: Opinion

  • 1
  • 2
  • 3
  • …
  • 6
  • Next Page »

Isbitaalka

Isbitaalka

Jobs

  • Qiso dhab ah

    Qiso dhab ah

    13th October 2019
  • ANIGA IYO CAWAALE

    ANIGA IYO CAWAALE

    13th October 2019
  • ADVERTISEMENT: Director of peacebuilding

    ADVERTISEMENT: Director of peacebuilding

    24th June 2019
  • ADVERTISEMENT: Project Officer

    ADVERTISEMENT: Project Officer

    21st June 2019
  • ADVERTISEMENT: Community Mobilizer Assistant

    ADVERTISEMENT: Community Mobilizer Assistant

    21st June 2019

Opinion

  • Xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Soomaaliyada Cusub? Faallo

    Xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Soomaaliyada Cusub? Faallo

    20th December 2017
  • Xalkii Loo Helay Muranka Dakadda Boosaaso iyo Mustaqbalka -MAQAAL

    Xalkii Loo Helay Muranka Dakadda Boosaaso iyo Mustaqbalka -MAQAAL

    14th December 2017
  • Baarlamaanka Puntland oo dejinaya qorshihii ay mar kale kusoo noqon lahayeen!!

    Baarlamaanka Puntland oo dejinaya qorshihii ay mar kale kusoo noqon lahayeen!!

    12th December 2017
  • Saluuga Beesha Caalamka ee waxqabadka Dowlada iyo dib u dhaca Dhismaha Ciidanka Qaranka

    Saluuga Beesha Caalamka ee waxqabadka Dowlada iyo dib u dhaca Dhismaha Ciidanka Qaranka

    5th December 2017
  • MAQAAL:- SOOMAALIYA MA MADAX WANAAGSAN BAY LA’DAHAY, MISE MAAMUL SUUBAN?

    MAQAAL:- SOOMAALIYA MA MADAX WANAAGSAN BAY LA’DAHAY, MISE MAAMUL SUUBAN?

    30th October 2017

Wararka Caalamka

  • Khaladaadka sharci ee beryahan ka dhacayay Hayaddaha Sadexda ahee puntland.

    Khaladaadka sharci ee beryahan ka dhacayay Hayaddaha Sadexda ahee puntland.

    3rd November 2019
  • Haweeney hindi oo 73 jir ah oo dhashay laba gabdhood oo mataano ah: SAWIRRO

    Haweeney hindi oo 73 jir ah oo dhashay laba gabdhood oo mataano ah: SAWIRRO

    8th September 2019
  • XUKUUMADA CUSUB EE DOWLADA PUNTLAND OO MIISAANIYAD GAAR AH U BALANQAADAY GOBOLADA MAQAN

    XUKUUMADA CUSUB EE DOWLADA PUNTLAND OO MIISAANIYAD GAAR AH U BALANQAADAY GOBOLADA MAQAN

    16th February 2019
  • DOORASHADA KURSI KA DHINAA BAARLAMAANKA SOMALIA OO LAGU SOO GABA-GABEEYAY JOWHAR

    DOORASHADA KURSI KA DHINAA BAARLAMAANKA SOMALIA OO LAGU SOO GABA-GABEEYAY JOWHAR

    29th January 2018
  • MADAXWAYNAHA PUNTLAND OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY DHALASHADA SANADKA CUSUB EE 2018.

    MADAXWAYNAHA PUNTLAND OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY DHALASHADA SANADKA CUSUB EE 2018.

    1st January 2018

Copyright © 2021 — Raad Online - All rights reserved.