12 October 1954 waa maalintii calanka Soomaaliyeed laga dhex doortay astaamo dhowr ah oo lasoo bandhigay. Curintiisa ,naqshadiisa iyo fikradiisaba waxaa lahaa Eebbe weyne ha u naxariisto e, Maxamed Cawaale Liibaan.
2005 tii ayaan su’aashii ugu horraysay aabbahay waydiiyay aniga oo ku jahwareer saddexda calan ee aanan garanayn ka saxda ah een leeyahay. Xilligaas oo qoyskayagu kasoo guuray dhulka Soomaaligalbeed oo aan ku koray yaraantii. Weli waxaan xasuustaa su’aashii aan aabbahay waydiiyay oo ahayd aabbo Calankan, ka schoolka sudhan iyo kii deegaankii aynu ka nimi maxay kala yihiin?
Aabbahay oo aan garanayn wuxuu igu qanciyo ayaa iigu jawaabay Oo yidhi: aabbo kani na waa kii qaran kaaga, ka Iskuul kuna waa kii qoys kaaga, kii deegaankana wakhtiga ayaa ku bari doona.
Dad badan ayaa ku wareersan sababta aan calankan u jeclahay. Waxaan rabaa inaan waydiimaha dadku iga waydiiyaan maanta ka jawaabo. Dad badan ayaa igu eedeeya Soomaaliya ayaad jeceshay oo sidaas darteed ayaad calankan u jeceshay. Dadkayga iyo deegaannadooda ma kala jecli, mana jirto sabab aan u kala xigsadaa. Soomaaalida oodhan marka laysku geeyo waxa lagu qiyaasaa 25 milyan ilaa 30 milyan inta u dhaxaysa. Adduunka maanta waxaa laysku dilayaa tiro badnaan. Innaga oo markii hore ba tiro yar, ma rabo in aan dadkayga qayb iska fogeeyo. Waxaa na aad ii dhibta in cid gaara layga dhex arko.
Calanku asalkaba waa astaan matasha qaran madaxbannaan oo xor ah. Calanka buluugga ah ee ay ku taallo xidigta cad ee, shanta gees lihi na waa calankii ugu horreeyay ee ay Soomaali xor ahi yeelato. Waataa sababta aan u jeclahay. Waxa intaa dheer, waa astaan qowmiyadeed oo shanta Soomaaliyeed wada leeyihiin. Waa riyadii awow yaasheen. Haddii xataa laysku afgarto in la beddalo anigu sidaan maanta u jeclay ayaan u jeclaan doonaa, waxaanan ku talin doonaa in madxafyada la dhigo Iskuuladana lagu dhigo oo ubad keenna la baro.
Ummad aan taariikh lahayni waa guri aan hooyo lahayn. Siyaasaddu waa halkeeda e, wixii umadda tariikhdeeda ah waa waajib ummadeed oo in la ilaaliyo mudan. Waxa inna kala qaybiya waxaa ka badan waxa inna Mideeya. Waxa aynu isku hayno yaanay innaga lumin taariikh wacan oo aynu lahayn.
Sannad guuro wacan cawaale. Cirka sare ahaw abid. ❤️🇸🇴❤️
Leave a Reply