Raad Online

News

  • Home
  • About US
  • Wararka
  • Opinion
  • English News
  • Jobs & Opportunities
  • Contact us

Haweeney hindi oo 73 jir ah oo dhashay laba gabdhood oo mataano ah: SAWIRRO

8th September 2019 by admin2 Leave a Comment

twins1

Haweeney 73 sano jir ah oo ku nool gobolka Koonfurta dalka Hindiya ee Andhra Pradesh ayaa dhashay laba caruur oo mataano ah.

Caruurtan oo gabdha ah ayay dhaqaatiirtu shegeen inay aaminsan yihiin in sababtu ay tahay in la bacrimiyay oo shahwada ninkeeda lagu beeray minka haweeneyda.

Haweeneyda caruurta dhashay oo lagu magacaabo Mangayamma Yaramati ayaa sheegtay in iyada iyo seygeyda oo da’diisu ay tahay 82 jir ay marwalba ku han-weynaayeen inay caruur helaan, balse taas aysan horay u dhicin.

“Aad ban ugu faraxsanahay,” ayuu yiri seygeyda Sitarama Rajarao oo la hadlayay BBC-da saacado un kadib markii ay caruurtu dhasheen.

Hasayeeshee maalin kadib, ” ayaa waxaa ku dhacay xanuunka jeex qalalaka ama Stroke loo yaqaano, waxaana haatan lagu daweynayaa isbitalka.

“Waxba gacanta noogu ma jira anaga,wixii qoran way dhacayaan, waxwalba Allaah ayaa gacanta ku haya”, ayuu raaciyay oo mar wax laga weydiiyay cida xanaaneyn doontaa haddii ay wax dhacaan, maadaama labadooduba ay da’da ka daba timid.

Lamaanahan oo aan horay wax caruur ah u helin ayaa sheegay in tani ay muhiim u tahay noolashooda, maadaama ay dhaga-hadal kala kulmeen bulshada ku nool tuulada ay degan yihiin.

Yaramati ayaa sidoo kale sheegtay in loogu yeeri jiray haweeneydii aan caruurta lahayan, taas na ay xanuun badan ku reebtay iyada iyo seygeeda.

“Dhowr jeer ayaanu isku daynay in aan caruur helno oo dhaqaatiir badan ayaanu aragnay, balse nooma aysan suurta gelin, hadda oo aan helnay na waa farxadda ugu weyn noolasheyda”, ayay tiri.

Gabdhaha mataana ayaa ku dhashay qaab qalliin ah, taas oo la sheegay inay tahay mid caadi ah, maadaama hooyada ay tahay qof waayeel ah.

Arrintan oo kale ayaa waxaa ay horay uga dhacday dalka Hindiya sanadkii 2016-ka, xiligaas oo haweeney 70 sano jir ah ay dhashay wiil.

Share this:

  • Click to share on Twitter (Opens in new window)
  • Click to share on Facebook (Opens in new window)

Related

Filed Under: Wararka, Wararka Caalamiga

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Isbitaalka

Isbitaalka

Jobs

  • Qiso dhab ah

    Qiso dhab ah

    13th October 2019
  • ANIGA IYO CAWAALE

    ANIGA IYO CAWAALE

    13th October 2019
  • ADVERTISEMENT: Director of peacebuilding

    ADVERTISEMENT: Director of peacebuilding

    24th June 2019
  • ADVERTISEMENT: Project Officer

    ADVERTISEMENT: Project Officer

    21st June 2019
  • ADVERTISEMENT: Community Mobilizer Assistant

    ADVERTISEMENT: Community Mobilizer Assistant

    21st June 2019

Opinion

  • Xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Soomaaliyada Cusub? Faallo

    Xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Soomaaliyada Cusub? Faallo

    20th December 2017
  • Xalkii Loo Helay Muranka Dakadda Boosaaso iyo Mustaqbalka -MAQAAL

    Xalkii Loo Helay Muranka Dakadda Boosaaso iyo Mustaqbalka -MAQAAL

    14th December 2017
  • Baarlamaanka Puntland oo dejinaya qorshihii ay mar kale kusoo noqon lahayeen!!

    Baarlamaanka Puntland oo dejinaya qorshihii ay mar kale kusoo noqon lahayeen!!

    12th December 2017
  • Saluuga Beesha Caalamka ee waxqabadka Dowlada iyo dib u dhaca Dhismaha Ciidanka Qaranka

    Saluuga Beesha Caalamka ee waxqabadka Dowlada iyo dib u dhaca Dhismaha Ciidanka Qaranka

    5th December 2017
  • MAQAAL:- SOOMAALIYA MA MADAX WANAAGSAN BAY LA’DAHAY, MISE MAAMUL SUUBAN?

    MAQAAL:- SOOMAALIYA MA MADAX WANAAGSAN BAY LA’DAHAY, MISE MAAMUL SUUBAN?

    30th October 2017

Wararka Caalamka

  • Khaladaadka sharci ee beryahan ka dhacayay Hayaddaha Sadexda ahee puntland.

    Khaladaadka sharci ee beryahan ka dhacayay Hayaddaha Sadexda ahee puntland.

    3rd November 2019
  • Haweeney hindi oo 73 jir ah oo dhashay laba gabdhood oo mataano ah: SAWIRRO

    Haweeney hindi oo 73 jir ah oo dhashay laba gabdhood oo mataano ah: SAWIRRO

    8th September 2019
  • XUKUUMADA CUSUB EE DOWLADA PUNTLAND OO MIISAANIYAD GAAR AH U BALANQAADAY GOBOLADA MAQAN

    XUKUUMADA CUSUB EE DOWLADA PUNTLAND OO MIISAANIYAD GAAR AH U BALANQAADAY GOBOLADA MAQAN

    16th February 2019
  • DOORASHADA KURSI KA DHINAA BAARLAMAANKA SOMALIA OO LAGU SOO GABA-GABEEYAY JOWHAR

    DOORASHADA KURSI KA DHINAA BAARLAMAANKA SOMALIA OO LAGU SOO GABA-GABEEYAY JOWHAR

    29th January 2018
  • MADAXWAYNAHA PUNTLAND OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY DHALASHADA SANADKA CUSUB EE 2018.

    MADAXWAYNAHA PUNTLAND OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY DHALASHADA SANADKA CUSUB EE 2018.

    1st January 2018

Copyright © 2021 — Raad Online - All rights reserved.