Shirka maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho ee looga hadlayo amniga wadanka ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaray wadashaqeynta dhanka amaanka ee dowlada Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo sidii lagu heli lahaa ciidan Qaran oo awoodleh.
Dowlada Federaalka iyo maamulada dalka ka jira ayaa sheegay inay horey u dajiyeen qorshe lagu dhisayo ciidamo Qaran oo isku dhaf ah hawshaasina ay hada socoto la diyaarinayo ciidamadii loo qeybiyey inay keenaan maamulada xubnaha ka ah Federaalka.
Waxaan weli la aqoon in dalalka Beesha Caalamka ee shirkan ka qeyb galaya ay ku qanci doonaan warbixinada ay soo gudbiyeen Madaxda dowlada Federaalka iyo Maamulada, isla markaana ku deeqi doonaan dhaqaalaha dib loogu dhisayo ciidamada. Waxayse xubno kamid ah Xafiiska Raysalwasaaraha ay Horseed Media u sheegeen in qaar kamid ah wadamada Deeqda Bixiya ay saluugsan yihiin dib u dhaca ku yimid dhismaha ciidamada.
Saraakiisha dowlada Federaalka ayaa sheegaya inay muuqata cagajiidka ka jira dhinaca Beesha Caalamka oo aan si buuxda kalsooni ugu qabin wax qabadka maamulada Soomaalida oo ay wadashaqeyntooda ay liidato.
Qorshaha Ciidamada Qaranka ayaa ahaa mid la rabay in la fuliyo kahor bilowga Sanadkan dhalanaya ee 2018, wuxuuna ahaa mid la doonayey in la dhameeyo kahor inta ay dalka isaga bixin ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Waxaase dib u dhac badan ku keenay khilaafkii siyaasadeed ee soo kala dhexgalay Dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo Maamulada dalka ka jira.
Maamulada ayaa eeda dusha ka saaraya Dowlada Federaalka gaar ahaan xiiska Raysalwasaaraha oo ay ku dhaliileen qaabkii uu maareeyey hawlaha ciidanka iyo siyaasada wadashaqeynta, walow lagu guuleystay in dhaliishan aysan maamulada la hortagin beesha Caalamka laguna koobay kulamadii uu dhaxeeyey Dowlada iyo Maamulada.
Dhinaca kale maamulada dalka ka jira sida Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Juballand ayaa aaminsan in xiligan aysan macquul ahayn in ay baxaan ciidamada AMISOM, taasi oo wadada u furi karta in Qaramada Midoobay ay kordhiso wakhtiga ay ciidamadaasi joogayaan.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhinaca kale culeys ku noqday shirkan amniga looga hadlayo oo sababay in gebi ahaan wadooyinka magaaladaasi loo diido inay gaadiidka maraan, taasi oo ku khasabtay in shacabku ay lugeeyaan waana sawir kale oo muujinaya heerka uu joogo amniga caasimada.
Shirka maanta ayaa looga hadlay arrimaha kale oo ay dowlada taageerada uga baahan tahay caalamka sida Doorashooyinka, adeega bulashada, horumarinta caafimaadka iyo nidaamka Dhaqaalaha.
Leave a Reply