Fadlan ka qayb qaado Dibu dhiska Isbitaalka Galkacayo
Dhammaan dadweynaha Soomaliyeed Gaar ahaan reer Puntland waxaa lagu wargalinayaa in la bilaabay dib u dhiska Isbitaalka guud Magaalada Galkacyo, kaa soo ku burbur weyn kasoo gaaray qaraxii ka dhacay Magaalada Galkacyo waxaana burburay qaybo badan oo ka mid ah Isbitaalka.
Waxaa lasameeyay gudiga dib u dhiska Hopsitka Galkacayo oo ah gudi madaxbanaan kana kooban 19 xubnood ayna ka mid yihiin Isimo, Culumo, Aqoonyahano, Ganacsato xushmad ku dhexleh Bulshada iyo Xubno ka socda Maamulka Dowladda.
Guddigu shaqadiisu waa dib u dhiska Isbitaalka guud ee Galkacyo, loona qorsheeyay inuu noqdo mid cusub oo casri ah waxuuna Guddigu aruurinayaa dhaqaalaha iyo tubaracaadka dad waynaha khayrka jecel dal iyo dibad.
Gudigu wuxuu ku baraarujinayaa dad waynaha reer Puntland iyo kan Soomaaliyeed in howshaas ay kawada qayb qaataan Maal, Muruq iyo Maskaxba si loo helo Isbitaal casri ah oo daboola dhammaan baahiyaha Caafimaad.
Hadaba Dhamaanteen aanu ka qaybqaadano dib u dhiska Isbitaalka guud ee Galkacyo.
Akoonada Gudiga:-
Amal Bank :- 1011914967
Dahabshiil Bank:- GLKD002475
Iftin Bank :-384488
Sahal Account:- 463406
Sahal Number:- 0906791977
E-Dahab:- 44445
Gudiga Dib u dhiska Isbitaalka Guud ee Galkacayo
Tel:- 0907795005, 0907791355, 0907795529
Email:gdhospitalka@gmail.com
Mahadsanidin
Leave a Reply